DAAH-FURKA XAFIISKA URURKA SONYO EE QAARADDA YURUB IYO XAFLADII MAGAALADA LONDON

 

Xaflad ay isugu yimaadeen dhaliyaro,Aqoonyahano iyo bahda saxaafadda ayaa xalayto kulan isugu yimid lagu daah-furaayey xafiiska ururka Dhalinayradda Somaliland SONYO ee qaaradda Yurub.

Madaxda ururka SONYO ee Qaaradda Yurub

Daah-furka xafiiska ururka dhalinyaradda Somaliland ee SONYO  oo xafiis cusub ka furtay dalkan Ingiriiska ayaa xalayto xafladii lagu furaayey ka dhacday Hotelka Blue Ocean ee galbeedka magaallada London,

Xafladan oo ay kasoo qaybgaleen dhalinyaro lagu soo casumay xafladan daah-furka ururka dhalinyaradda Somaliland ee Sonyo. Xaflada ururka lagu furaayey waxa ka hadlay dad aad u fara badan oo isugu jirey dhalinayradii lagu soo casumay iyo qaar ka mid ah saxaafadda madaxbanaan iyo martisharaf kale oo farabadan.Waxay dhamaantood soo jeediyeen muhiimada ururkan Sonyo uu u leeyahay bulshada reer Somaliland ee dalkan degan iyaga oo soo dhaweeyey xafiiskan cusub ee dalkan Ingiriiska laga furay,

Waxa kale oo ay cadeeyeey sida uu ururka Sonyo uga qayb qaatay doorashadii degaanka ee dalka ka dhacday iyo had iyo jeer horumarka dalka intaba,Waxa ay sheegeen in ururkan Sonyo ay ku midoobeen dhalinyaro reer Somaliland ah oo aqoonyahan ah,loona baahan yahay in la tageero dhinacwalba.

Waxa kale oo hadalo aad u qiimo badan kasoo jeediyey dhalinyaro fara badan oo kulanka kasoo qaybgalay oo soo jeediyey hadalo wax ku oola aadna loogu riyaaqay.

Waxa ugu danbeyntii hadalo kasoo jeediyey ku saabsan tariikhda ururka iyo ujeedada loo asaassay madaxda ama gudida loo magacaabay qaarada Yurub oo ay kala yihiin.

 

 

 

Gudoomiyaha Sonyo ee qaaradda Yurub Muddane Ismaaciil Saalix Yasiin,  Wakiilka Ururka Sonyo ee London Xuseen M Liibaax, Agaasimaha Sonyo ee UK Xuseen Cumar Yare.

Daawo videowgan..guidida ururka Sonyo ee la magacaabay iyo hadaladii ay soo jeediyeen.

http://www.youtube.com/watch?v=X3dAUcQx90U

Xamse A Salaan

London

xamse100@gmail.com

 

Â