Al-shabaab oo Degmada Xudur ku gowracay Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame

Al-shabaab oo Degmada Xudur ku gowracay Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame

March 19, 2013 – Written by editor

xudur

Xudur:-Waxaa Allaha u naxariistee lagu dilay Degmada Xudur xalay  Sh. C/raxmaan Macalin Warsame, oo  ka mid ahaa culimo’udiinka sida weyn looga yaqaan gobolka Bakool.:Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame ayaa waxaa gurigiisa kala baxay ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab xalay waxaan Sheekha meydkiisa oo gowrac laga hellay saaka  meel u dhow gurigii uu sheekhu deganaa.

Dadka degaanka ayaa saxaafada u sheegay in Sheekha markii la gowracay ay diideen Ururka Al-shabaab in meydka sheekha la aaso taas oo dadka degaanka ku abuuray cabsi  iyo welwel.

Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Warsame ayaa waxaa da’diisa lagu sheegay ilaa 75-jir Waxaan uuna imaam ka ahaa Masjidka weyn ee Xudur, mudo 40 sano ah Sheekha ayaa waxaa uu dadka degaanka Xudur u kala xukmin jiray arrimaha ay isku qabtaan isaga oo aad u yaqaanay fiqi Shaaficiga .

Xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka DFS ayaa u xaqiijiyey warbaahinta ka howlgasha gudaha magaalaa Muqdisho dilka Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame.

Ciidanka Ururka Al-Shabaab ayaa Xudur la wareegay ka dib markii ay ciidanka Itoobiya oo ay weheliyaan ciidamada DFS ay isaga ka baxeen Degmada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool.