Bilawgii Xili Roobaadka Guga iyo Dareenka Dadwaynaha Ku dhaqan Gobolka Sanaag

DAALO

March 26, 2013

Ceerigaabo(SM)Roobkii Guga ayaa guud ahaanba ka curtay gobolka sanaag waxana uu maasheeyey meelo badan oo gobolka kamida marka laga reebo  dhulka xeebta ku teedsan oo aanu wax roob ahi ka di’in laakinse uu buuraha daad  farabadani kaga soo roogmaday.Dadwayanaha ku dhaqan Magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa inta badan ka hadlay nicmadan IIlaahay ugu deeqay iyo sida raxmadan eebe loogu qabawsaday.

Wararka ka imanaya dhinaca degaamada badhan ayaa sheegaya in roobku galaaftay ilaa kontomeeyo adhiya.waxaa roobkani ku soo beegmayaa xili ay gobolka ka jirtay abaar kulul oo halakaysan xoolo badan,dadwaynuhuna ku mashquulsanaayeen biyo dhaamis iyo siday xoolohooda ugu heli lahaayeen baad ay kaga badbaadaan abaarta.

Wixii kasoo kordha xalaga Goboladda Bariga Somaliland iyo roobabku sida ay u wada gaadheen la socda qaybo kale.

Salaanmedia/Ceerigaabo