Ciidanka Itoobiya Oo Faarujiyay Degmada Ceel-Barde Ee Gobolka Bakool.

somalimemo.net

Khamiis,21.3.13 (SM)Ciidamadii Itoobiya ee dhawaan isaga baxay magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ugudbay gudaha wadankooda arrinkaasi oo ka dhigan in Itoobiyaanku si buuxda uga bexeen Bakool.

Wararka  nagasoo gaaraya degmada Ceel Barde ee dhacda Xad beenaadka ay wadaagaan Bakool iyo dhulka Somaligalbeed  ayaa sheegay in ciidanka Xabashida ay shalay gelinkii dambe faarujiyeen degmadaasi.

Dadka Ceelbarde  ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay ka guureen saldhigyo ay ku lahaayeen gudaha iyo daafaha magaalada,in kabadan 56 gaadiidka dagaalka ah iyo kuwa xamuulka oo ay ciidanka Itoobiya wateen ayaa gudaha ugalay dhulka Soomaalida ee lagumeysto.

Shalay saacaddu markii ay ku beegneed 2:00 duhurnimo ayaa isgaarsiinta Ceelbarde hawada laga saaray balse 5:00 galabnimo ayay hawada dib ugusoo laabatay kadib markii ay ciidanka Itoobiya magaalada ka dhamaadeen.

Ceelbarde oo 95 KM Xudur dhanka waqooyi kaga beegan,22-ka sano oo ay Soomaaliya dowlad adagi aanay jirin, may haysan wax maamul ah,Lakiin dadku iyaga ayaa is maamulaayey.

Salaanmedia.com