Dawladda Imaaraadka Oo Diyaarad Khaas Ah U Soo Diraysa Madaxweyne Siilaanyo Oo Dubai Kula Kulmaya Madaxwaynaha Somaliya

Dawladda Imaaraadka Oo Diyaarad Khaas Ah U Soo Diraya Madaxwayne Siilaanyo Oo Dubai Kula Kulmaya Madaxwaynaha Somaliya

Hargeysa (Ramaas) Mar 21,2013 – Madaxwayanaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa la filyaa inay maalinta barri ah u ambo baxaan dalka isku tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisa, ayaa la sheegaya in dawladda Imaaraadku ay diyaaradii gaar ah u soo direyso, taasi oo geyn doonto dalkasi.

Madaxwaynaha Somaliland, ayaa la sheegay in marka uu gaadho dalka Imaaraadka uu kulmi doono Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana lagu waramayaa in dawladda Imaaraadku ay martigalisay kulanka koowaad ee Madaxwaynaha Somaliland iyo ka Somaliya.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Ramaas u sheegay in labada Madaxwayne ay ku kulmi doonaan guri ku yaala duleedka Magaalada Dubai oo dawladda Imaaraadku ugu tallo-gashay inuu ka dhaco kulanka u horeeya ee ay isku baranayaan Labada Madaxwayne, iyadda oo markaa ka dib ay isla eegi doonaan halka laga sii ambo-qaadayo wada-hadalada labada dhinac u dhexeeya, kuwaasi oo kii ugu dambeeyay uu ka dhacay Dubai.

 

Xigasho

Ramaasnews Desk