Ku-xigeenka boqorka Wadanka imaaraadka Carabta oo Kulan la yeeshay Weftigii Madaxweynaha Somaliland

Ku-xigeenka boqorka Wadanka imaaraadka Carabta oo Kulan la yeeshay Weftigii Madaxweynaha Somaliland

March 25th, 2013 Comments Off

siilaanyo

Dubia (SM)- Amiirka leh dhaxalka isla markaana ah Taliye Ku xigeenka ciidammadda qalabka sida ee dalka Imaaraadka carabta Maxamed Binu Saa’id, ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabiley weftigii uu Hoggaaminayay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka ku jooga wadankaasi.

Dhaxal sugaha Imaaraadka carabtu waxa uu weftiga Madaxweynaha ku bogaadiyay siday socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland, waxaanu sheegay in wadankiisu ay niyadsamaan ku soo dhawaynayaan Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu uga waramay dawlada imaaraadka uga mahad celiyay soo dhawaynta balaadhan ee lagu qaabiley weftigiisa iyo kulamadii uu la yeeshay masuuliyiinta sar-sare ee dalkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyay dawlada Imaaraadka carabta mashaariicda kala duwan ee ay balan –qaadeen inay ku saacidi doonaan bulshadda Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ku booriyay dalka Imaaraadka carabta inay maal-gashi kala duwan ku sameeyaan khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland, taasi oo wax weyn ka tari doonta dhaqaalaha Somaliland iyo sidii hoos loogu dhigi shaqo la’aanta. Geesta kalena waxa Madaxweyne Axmed Siilaanyo la kulmay Wasiir Ku xigeenka arrimaha dibadda Imaaraadka carabta.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxa uu ka dhashay marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawlada wadanka Imaaraadka carabta, waxa lagu wadaa inay dalkaasi ku sii sugnaadaan illaa maalinta jimcaha ee fooda inagu soo haysa.
Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE, Wasiirrada Arrimaha dibada,madaxtooyadda, beeraha, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka, Afhayeenka madaxtooyada iyo Marwada koowaad ee Somaliland.

Salaanmedia/Dubai