Gabadh Asalkeedu Somali yahay oo u Sharraxan Hoggaanka Sare ee Hay’adda Ganacsiga Adduunka ee W.T.O.

Gabadh Asalkeedu Somali yahay oo u Sharraxan Hoggaanka Sare ee Hay’adda Ganacsiga Adduunka ee W.T.O.
UNEP-Deputy-Executive-Director-Amina-Mohammed

Axad, March 24, 2013 (SM) – Aamina Maxamed oo haysata dhalashada dalka Kenya, asalkeeduna Soomaali yahay ayaa dawlada Kenya ay u sharraxday inay hogaamiso ururka ganacsiga aduunka ee la yiraahdo World Trade Organization (WTO).

Aamina Max’ed waa dublamaasiyad u dhalatay Kenya asal ahaanna kasoo jeeda Soomaali

Haweenaydan oo ah dublamaasiyad caan ah ayaa ballanqaaday inay qaadi doonto tallaabooyin ay ku hormarinayso hay’ada Ganacsiga aduunka.

Waxayna sheegtay inay xooga saari doonto sidii loo balaarin lahaa ururkan ayna uga mid noqon lahaayeen xubno cusub si uu u noqdo hay’ad ay ka dhex muuqdaan dhammaan wadamada caalamku sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arriimaha dibadda ee Kenya oo soo xigtay fariin ay jeedisay Aamina.

Xilka aamina ay u sharraxantahay waxaa u taagan 8 musharrax oo iyadu kamid tahay kuwaasoo kala ah:
Alan John Kwadwo Kyerematen oo u dhashay (Ghana), Anabel Gonzalez (Costa Rica), Mari Elka Pangestu (Indonesia), Tim Groser (New Zealand), Ahmad Thougan Hidawi (Jordan), Herminio Blanco (Mexico), Taeho Bark (South Korea) iyo Roberto Carvalho de Azevedo (Brazil).

Aamina ayaa ballanqaaday inay diiradda saari doonto koboca dhaqaalaha, ciribtirka shaqo la’aanta, ilaalinta deegaanka gaar ahaana sii kululaanshiyaha cimilada iyo adkaynta helitaanka cunooyinka aasaasiga ah ee dadweynaha aduunyada.

“La’aanshaha siyaasad ganacsi oo fadhida waxay khatar ku tahay sumcada hay’ada ganacsiga aduunka oo ah hay’ad looga fadhiyo soo celinta koboca dhaqaale iyo kasoo kabashada burburkii dhaqaalaha aduunyada” ayay ku tiri qoraal ay jeedisay.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in Aamina ay haatan socdaal ku marayso qaar kamid ah wadamada Yurub iyo Asia si ay uga hesho taageero siyaasadeed.

Haweenaydan ayaa kasoo qabatay dalka Kenya jagooyin kala duwan, waxayna haatan tahay safiiradda Kenya u joogta xarunta qaramada midoobay ee Geneva.

Waxay kaloo haysaa xilka ku xigeenka madaxa Hay’adda UNEP ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.
Aamina Maxamed ayaa ah haweenaydii ugu horreysay oo asal ahaan Soomaali ah u tartanta jago caalami ah, haday ku guulaysatana waxay noqonaysaa haweenaydii ugu horreysay oo Afrika kasoo jeeda oo qabata xilkaas.

Xigasho Hiiraan.com