Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa xisbiga WADDANI ku eedeeyay

March 30th, 2013 Comments Off

“Golaha Wakiiladu wuu baaba’ay, mar haddii la yidhi xildhibaanadu axsaabtii ay ka soo baxeen way ka bixi karaan”

images

Hargaysa (SM): Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa xisbiga WADDANI ku eedeeyay in uu aragti gurran ka qaatay shirka London ee ay qaadacday Somaliland, waxaanu xisbiga WADDANI ku tilmaamay mid qadiyada Somaliland ka soo hor jeeda isla markaana xidhiidh la leh dawlada Soomaaliya.

Eng. Faysal oo xalay u waramay wargeyska DAWAN, waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI ay xubno ka yihiin rag ka tirsan ururka islaamiga ah ee la yidhaahdo Ictisaam kuwaasi oo shaadh kale soo gashaday bal se qadiyadoodu tahay Soomaali wayn.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID,oo aanu waydiinay aragtidiisa ku waajahan canbaarayntii xisbiga WADDANI uu xukuumada ku dhaliilay go’aankii ay ku qaadacday ka qayb galka shirka London, waxa uu yidhi “Ururka ictisaam la yidhaahdo ee Xamar qabsaday niman ka tirsan ayaa ku jira Waddani, wadankeena waxaa beryahan danbe ku soo badanaya dad Soomaali weyn u xaglinaya oo soo dhex galay axsaabta, kuwaasi oo shaadh kale inoo gashaday oo aan anigu shaqsi-shaqsi u aqaano , waxaa laga yaaba in xisbiga Waddani ay qaarkood ku jiraan. arrintaa waxaan u arkaa mid aan wanaagsanayn, shirkaa London, ma aha mid inaga inoo yaala ee waa shir Soomaaliya u yaala, inagana Somaliland ayaa la ina yidhaa haddii la wada hadlayo Soomaaliya dariiq ayay leedahay, waa in uu noqdaa sidii laba dawladood oo wada hadlaya in aynu isku soo hor fadhiisano,”

Eng. Faysal Cali Warabe, oo aanu wax ka waydiinay waxa uu ku sababaynayo hadal uu dhawaan ku baaqay in la kala diro labada gole ee guurtida iyo wakiilada oo uu ku tilmaamay in ay sharci daro ku fadhiyaan waxa uu ku jawaabay “Waxaan ku sababaynayaa labada gole ee guurtida iyo wakiilada wakhtigoodii wuu dhacay oo waa bilaa sharci, haddii aanu sharcigu socona ummad noqon mayno, meel ay dastuurka kaga taalo guurtidu way isku kordhin kartaa ma jirto, guurtida berigii Rayaale joogay afar sano ayaa loo kordhiyay sharci daro ayay ahayd, golaha guurtida 85% dadka imika fadhiyaa ma aha dadkii loo soo doortay, waa dadkii ka dhaxlay dad kale markaa meeshu dhaxal ma aha ee waa in dadka soo gelaya shuruudihii loo eego, sharcina kuma fadhiyaan, golaha wakiiladana sharci daro ayay ku fadhiyaan qodob ay ku taalo waxaa u kordhinaya muddada guurtida ma jirto”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ta labaad golaha wakiiladu wuu baaba’ay, mar haddii la yidhi xildhibaanadu axsaabtii ay ka soo baxeen ee kursigooda ay ku fadhiyeen way ka bixi karaan, cid ay ka wakiil yihiin ma jirto, Golaha wakiiladu meeshiiba way ka baxeen oo ninkii gudoomiyaha u ahaa ayaa xisbgii ka baxay oo xisbi kale furtay, shaqadiina waxa uu ka dhigay (part time job) shaqo leexsan oo aan rasmi ahayn. Sharci uu kursiga ku fadhiyaana ma jiro, Markaa waa in la kala diro doorashoyinka la qabto guurtidana laga tashado sidii loo samayn lahaa, inta ay tiradoodu noqonayso awoodoodana dib loo eego, tiradoodu inta ay noqonayso, dadka soo gelaya waa in dib loo eego”.

Sidoo kale waxa uu Faysal Cali Waraabe xukuumada u soo jeediyay in ay jiraan waxyaabo badan oo u baahan in wada tashi qaran laga yeesho ay dawlada hor yaalaan, waxaanu tusaale u soo qaatay waxa laga yeelayo wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, in la qabto doorashadii baarlamaanka iyo qaabka loo soo xulayo golaha guurtida.
“Waxaa ka mid ah doorashadii baarlamaanka oo muddo dhaaftay, waxa laga yeelayo, wada hadala Somaliland iyo Soomaaliya iyo Qodobo Kale,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Salaanmedia/Hargaysa