Gudoomyaha Gobolka Togdheer oo Kormeer Ku Soo Maray Degmooyin iyo Tuulooyin Hoosyimaada G/Togdheer

 

Gudoomiyaha gobolka Togdheer Axmed Cumar C/laahi (Xamarji) oo saaka subixii hore ka jarmaaday magaalada Burco ee xarunta gobolka todheer ayaa kormeer ugu baxay degmooyin iyo tuulooyin hoosyimaada gobolka togdheer, iyada oo kormeerkani ku wahelinayeen isuduwayaasha laamaha dawlada ee heer gobol iyo madaxda hayadaha samafalka ee ka hawlgala gobolkani togdheer. intii waftigani ay ku guda jireen kormeerkani ayaa meelaha ay soo mareen
ay kamid ahaayeen, boodhley, didin, kalbare, caasha cado, booraamo iyo deegaano kale oo tiro badan.

xamarji

iyaga oo waftigani intii marayeen deeganadaasi warbixino ka dhagaysanayay maamuladda iyo gudiyada deeganadaasi waxayna dhamaantoodba soo bandhigeen tabashooyinkii ay qabeen iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in wax laga qabto.

 

Intaasi kadibna gudoomiyaha gobolka togdheer (xamarji) oo hor kacayay waftigani ayaa uga mahadceliyay dadka degankasi sida diiran ee ay u soo dhaweeyen, islamarkaana u sheegay in ay bahiyaha ay sheegteen sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-gali doonan sidii wax looga qaban-laha

 

Geba-gebadiina kormeerkan ay sameeyen gudoomiyaha gobolka togdheer iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa daba socda
kormeero ay hore ugu soo mareen deegaano ay ka mid ahaayen, waraabeye, harada, duruqsi, bali-dhiig, dhoqoshay, iyo qoryaale kuwaas oo dhammaantodba ah deegaanka koonfureed ee gobolka togdheer.

 

FAYSAL MAXAMED DAAHIR
SALAANMEDIA.COM/BURCO-OFFICE

Â