”ILLAAHAY INAGA ADAG,KOONFURNA KA ADKIN,SIILAANYANA XASAN SHEEKH KA ADAG”WAA KULANKII SOO DHAWEYNTA WASIIRKA OO KA DHACAY LONDON

Waxa habeenkii Jimcaha 22.3.13 ka dhacday Galbeedka Magaaladda London Xaflad isugu jirtay Soo dhaweyn iyo sii sagootin Wasiirka Macdanta,Biyaha iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale.

Salaan media_079

Xafladaas oo ay soo qaban-qabiyeen Safaarada Somaliland ee UK oo uu hormuud ka yahay Safiirka Somaliland ee UK Mudane Cali Aadan Cawaale. iyo Ururka SSUK oo uu gudoomiye ka yahay Cabdale Saalim, Waxa xaflada xidhiidhinaayey Wariye Caynaawi.

Xafladan oo ay soo buux dhaafiyeen dadweyne reer Somaliland ah oo meelo fog-fog ka yimid,Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo uu ugu horeeyo UCID, Suldaano,Aqoonyahano iyo dadkale oo aad looga qadariyo Somaliland. Kulankan waxa ka hadlay dad aad u fara badan oo dhamaantood wasiirka ku amaanay shaqada uu hayo nin aqoon u leh oo garanaaya shaqada uu hayo,taasina aad arkayso sida uu hawsha u wado,waxa kale oo hadalo aad looga helay uga jeediyey qaar ka mid ah dadkii madasha ka hadlay.

Salaan media_078

IMG_0095

IMG_0058

 

IMG_0060

Safiirka Somaliland Cali Aadan Ducaale  iyo Gudoomiyaha SSUK Cabdale Saalim ayaa ugu horeyn aad ugu mahadceliyey sida wacan ee aad uga soo qaybgasheen kulankan aynu kusoo dhaweynayno Wasiirka oo hawlo shaqo ah u yimid dalkan Ingiriiska,Waxa ayna ku booriyeen shacabka reer Somaliland ee dalkan degan inay ka shaqeeyaan horumarka iyo ka faa’ideysiga dalkan ay joogaan kana qayb qataan horumarka dalka,

IMG_0046

Waxa  aan idiin haynaa  warbixino fara badan oo Video aan ka qaadnay dhamaan dadkii madasha ka hadlay iyo Wasiirka oo kulanka kasoo jeediyey khudbad aad u balaadhan dhinacyo badana taabanaysa. Ibraahim Talaabo oo UCID ka tirsan oo isna mucaaridnimadiisa soo bandhigay sheegayna in ay yihiin mucaarid wax dhisaaya lakiin aanaan ahayn mid wax duminaaya,waanu isnaqaanaa qoladan Kulmiye oo markii aanu xukumada ahayn halkii ay nooga miisi jireen ayaanu uga miisaynaa,Waa hadaladii kuwii ugu xiisaha badnaa, Wasiir ka tirsanaan jirey  xukumada hada jirta oo isna hadalo madasha kasoo jeediyey aad u  xiiso badan.

IMG_0075

Suldaan Maxamuud Xaji Xuseen ayaa isna hadal aad dadku uga heleen kusoo gunaanad oo yidhi.

”ILLAAHAY INAGA ADAG,KOONFURNA KA ADKIN,SIILAANYANA XASAN SHEEKH KA ADAG”

LASOCDA VIDEO AAN IDIINKA HAYNO KULANKA SOO DHAWEYNTA SAWIIRKA  OO AAD U XIISO BADAN.

HALKAN KA DAAWO SAWIRO.

<iframe src=”https://skydrive.live.com/embed?cid=06213B8EB2472F45&resid=6213B8EB2472F45%21867&authkey=AD1MkaJy7TuYkc0″ width=”165″ height=”128″ frameborder=”0″ scrolling=”no”></iframe>

Xamse Axmed Salaan

Salaanmedia.com

London