Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

“KULMIYE hawlihiisa Isagaa Dhammaysanaaya Fikraddana Waa Lagu Kala Aragti Duwanaan Karaa”

“KULMIYE Hawlihiisa Isagaa Dhammaysanaaya Fikraddana Waa Lagu Kala Aragti Duwanaan Karaa”

March 29th, 2013 Comments Off

“Waddan yar ayaynu nahay oo dihin, haddii afar Wershadood aynu hirgelinno, cidda shaqada doonaysa-ba way innagu yaraan doontaa”

Hargeysa(Somaliland.Org):- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa tafasiil ka bixiyay Safarkii Weftiga uu ka tirsanaa ee Madaxweynaha Somaliland hoggaaminaay, kuwaasoo ka soo laabtay waddanka Imaraadka Carabta. Sidoo kale wuxuu Guddoomiye Muuse Biixi ka hadlay, warar Warbaahinta ku soo noqnoqday oo ahaa inay la kulmayaan Madaxda dalka Soomaaliya, kaasoo aan rumoobin.

Waxa kale, oo uu Guddoomiye Biixi ka hadlay qaaddacaaddii Madaxweyne Siilaanyo ee shirka London lagu qabanaayo bisha May, siduu u arko fikerkii Xisbiga WADANI iyo arrimo kale.

Sidaana wuxuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku sheegay Waraysi gaar ah oo dhinacyo badan tabanaaya, kaasoo uu khadka Teleefanka Xalay ku siisay Wargayska Somalilandtoday. Waraysigaas oo aad u xiiso badnaa ayaa isagoo dhammaystiran wuxuu u dhacay sidan.

S: Guddoomiye waxaad ka mid ahayd, Wefti ballaadhan oo uu Madaxweynuhu hoggaaminaayay idinkoo marti-qaad rasmiya ku tagay dalka Imaraadka Carabta, waddamada Khaliijka ama guud ahaan Carabtu qaddiyadda Somaliland waxa la odhan jiray aad ugumay jajabnayn, is beddelka arrintaas ku yimi iyo qaabkii ay u dhacday qaabbilaaddiinnu siday ahayd?

J: Waddamada Carbeed gaar ahaan Khaliijku, waxay ka mid yihiin dunida ay Somaliland danaynayso, waa waddammo Qaniya oo Islaam ah. Safarkayagii Madaxweynuhu hoggaaminayay wuxuu ahaa mid meeqaamka iyo derajada Madaxweyne-nimo leh, sida naloo soo dhaweeyay, hab-maamuska loo fidiyay Madaxweynaha, runtii wax kasta oo loo sameeyo Madaxweynayaasha dalkaas ku taga booqashada mid la mid ah ayay ahayd. Hore waa loo tagay waddanka Imaaraadka oo maaha markii koowaad. Laakiin, boqashadani waxay ahayd mid runtii muujinaysa wax wada-qabsiga muuqda ee labada dal, si fiicanna way ku soo dhammaatay.

S: Guddoomiye Waddamada Khaliijka oo Saliidda ku hodan ah, waxaa la tilmaamaa caawimada ay bixiyaan inay ka tayo badan tahay midda reer Galbeedka, Somaliland oo dib-u-dhis ku jirta maxaad is leedahay way kaga faa’iidaysan kartaa xidhiidhkan?

J: Wallaahi baryada wax la baryo, waxa ka fiican ayaan qabaa wax wada-qabsiga. Dalkeennu dal dihin weeye, khayraad badan oo Allaah ku mannaystay ayuu leeyahay, waa dhab oo waddammadaasi waa kuwo hodan ah, iyagu lacagtii ayay hayaan innana khayraad badan oo labada dhinacba faa’iido u leh ayaynu leenahay, in markaas lays kaa-shado oo qaabkaas wax laysu dhaafsado ayaa ka karaamo badan baryada cid la baryo. Inkasta oo dabcan ay kaabayaasha Bulshada wax badan aynu uga baahannay, qorshaha Weftigana ka mid ahaa oo Madaxweynuhu uu u gudbiyay kulammadii uu yeelanaayay, haddana muhiimadda mustaqaleed waa wax wada-qabsiga iyo is-kaashiga wax lays dhaafsanayo.

S: Intii aydaan dalka ka dhoofin, wuxuu Madaxweynuhu sheegay inuu booqasho la marti-qaaday ku tagaayo dalka Imaraadka Carabta, iyadoo Weftigiinnana diyaarad gaar ah loosoo diray. Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu sheegay in aanu qorshaha ugu jirin kulammo uu la yeesho Madaxda Soomaaliya, isla markaana aanay dawladda casuuntay u sheegin, haddana sidaad ka warhayso Saxaafaddu si xidhiidh ah ayay u qorayeen inaad la kulmaysaan Madaxda sare ee Soomaaliya, iyadoo mararka qaar ay soo baxayeen warar idinla xidhiidhinaaya inaad hoos ahaan ula kulmaysaan oo saxaafadda qaarkeed baahisay, sida muuqata hadda may dhicin maaddaama oo Madaxweynaha Soomaaliya uu dalkaas gaadhay markaad ka soo baxdeen, sideed arrimahaas u aragtaa?

J: Runtii anigu garan maayo meesha baqdinta intaas leeg laynagaga tuuray, kuwii baqan lahaa ama shacabkooda baqo gelin lahaa ma nihin, Saxaafadduna waa isha Bulshada, inay Bulshada gaadhsiiyaan wixii dhab ah ayaa fiican, markay wixii jirana sheegto wixii aan jirina aanay buun-buunin, ayay runtii ummadda wax taraysaa. Soomaaliya inaynu ka baqno maaha, maanta Somaliland waxay leedahay dawlad dhab ah oo jirta, taasoo leh dhammaan wixii dawladi lahayd oo waliba dimuquraaddi ah, wataas waddamada ugu waa weyn adduunku haykalka dawladnimo ku soo dhaweynayaan, Illaahay-na maanta ma badin Somaliland inay noqoto mid baqata. Madaxweynuhu wuu sheegay in aanay u qorshaysnayn cid Soomaaliya ka tirsan oo uu la kulmaayo, dawladda casuuntayna mid ay sheegtay ma jirin, meeshana maba oollin, in la aammino ayay ahayd. Waxaan xasuustaa 1988, oo ahayd mararkay innoogu darnayd, dawladaha Maraykanka oo adduunka ugu xoog weyn, ayaa hubkii ugu danbeeyay siinaysay Soomaaliya, Libiya ayaa sacadihii ugu danbeeyay siinaysay, Ruushkaa keenayay.

Haddana shacabkan oo rabitaankiisa iyo niyaddiisa midaysani hoggaaminayso Illaahay-na kaashanaya, waxba way ka qaadi wayeen, waa kuwii ka guulaystay ee dalkooda la soo noqday ee dhistay. In markaa maanta oo aynu boqol jeer laab ka xoog badannahay baqasho intaas leeg ummadda la geliyo maaha, annaguna dadkii looga biqilahaa ma nihin, maalintaas ay adkaydba naftayada ayaannu u hurnay Somaliland xorriyaddeeda, annagoo intan ka yar oo dhalinyar ah oo adduunku noo cusub yahay.

Soomaaliya waxay Somaliland la kulmaysaa iyagoo siman oo si siman u wadahadlaya. Wixii waxaas ka hooseeya kulama kulmayno, wax la qarinayo ama tahriib ahna meesha ma yallaan, manay oollin, Illaahay-na kuwii shacabkooda wax ka qarsada nagama dhigo.

Waxaan markaas leeyahay waar way dhacday hadda, ciddii waxaas ummadda u gudbinaysay hadday maanta arkeen wixii danbe ha loo tudho shacabka, ha loo tudho waddanka, oo horta qofku dalkiisa masuuliyad,waddaniyad iyo dal-jacayl hayska saaro, markaas ayuu waxna sixi karayaa, waxna toosin karayaa.

S: Guddoomiye haddii aannu su’aal kale kaa weydiinno arrimaha wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Madaxweynuhu wadahadallo ayuu hore ula yeeshay Madaxda Soomaaliya, sida shirkii London iyo kii Imaraadka ee sannadkii hore, iyagoo u wadahadlaayay sidii laba dal oo siman. Hadda shirka London ee bisha May la qabanaayo Madaxweynuhu wuu qaaddacay, Xisbiga UCID iyo siyaasiyiin badan oo qaybaha Bulshada ka tirsanina way ku raaceen. Laakiin, bilawgii arrintaas Xisbiga WADANi ma soo dhaweyn, isagoo tilmaamay in shirkaa London qaaddacaaddiisa lagu deg-degay, markaa adigu Muuse ahaan sided u aragtaa?

J: Dawladda Xisbiga KULMIYE ee Madaxweynuhu hoggaaminayo, iyadoo shacabkeeda la tashanaysa iyo Golayaasheeda sharci-dajinta-ba, shirarkaas hore way ka qaybgashay, kuwo ay u arkaysay inay Somaliland dan u leeyihiinna way ahayeen.

Meeqaam la siman Soomaaliya ayay kaga qaybgashay oo ay ku wadahadlayeen, watii la ogaa war-murtiyeedyadii laga soo saaray, ee ahaa in ay labada dhinac wadahadlaan iyagoo siman. Beesha caalamka ayaa dhex-joogtay. Kan hadda waxaa muuqatay in aanu Somaliland dan u ahayn. Ciddii markaas qabta fikrad taas ka duwan ama WADANI ha ahaato ama cid kale ha ahaatee iyagay u taallaa, Bulshaduna way arkaysaa, iyadoo Xisbi kastaa xor u yahay siyaasadda uu qaadanayo, haddana Xisbiga KUMIYE iyo Xukuumaddiisu mawqifkaas ayay qateen, mid dalka iyo dadkaba dan u ah ayaanay u arkaan Shirkaas.

S: Xisbiga KULMIYE ee aad Guddoomiyaha ka tahay, waxaa ka dhex-bilaabmay tartan gaadhay inuu dibedda u soo baxo, in kasta oo aad wadahadal badan ka gasheen, haddana muddaddii aad maqnayd waxay dhinacyadii ku kala aragtida duwanaa shirarka Xisbigu qabsanaayo, ay soo saareen War mur-tiyadeed midaysan oo ay heshiis ku yihiin. Markaa, maxaa is beddalay?

J: KULMIYE waa xisbi dumuquraaddi ah, waa Xisbi wayn oo Xukuumi ah, dad badanina ay ku jiraan. Aragtida iyo qaabka fikir waa wax debiici ah oo lagu kala aragti duwanaan karo, taas macnaheedu maaha in xumaan iyo is-dil meesha yaallo. Waxaanu KULMIYE caan ku yahay inuu wixiisa dhammaysto, haddana isagaa dhammaysanaya wixii u yaalla. Kan hadda aad sheegtayna mid ka mid ah weeye. Dad isku Xisbi ah oo iyagu waxooda saxanaayana weeye. Ciddii afkaaraha kala duwan iyo fikradda lagu kala aragtida duwanyahay u aragta bur-bur ama khilaaf-na cid qaldan weeye, KULMIYE wuu dhammaysanaya hawlihiisa iyo shirarkiisa, wixii uu ku kala aragti duwanaadana iyagaa gudahooda iska saxaya.

S: Ugu danbeyntii Guddoomiye maxaad u soo jeedinaysaa ummadda reer Somaliland?

J: Ummadda Somaliland waxaan leeyahay dalkeenna tacab badan iyo dhibaato ayaa loosoo maray, haddana mid ka badan ayaa loo marayaa. Waxaynu ku tabcaynay waynu haynaa, wuxuu waddankeennu marayaa xilli Adduunku danaynayo inay wax innala qabsadaan, horumar kastana waxaa ka horreeya tacab iyo dhib loo maro, waxaan leeyahay wax kasta oo idinku yimaaddaa yaanay idin niyad-jebinnin.

Aaraahda iyo fikradaha waa lagu kala duwanan karaa oo Aadame ayaa loo yahay. Laakiin, Waddaniyaddu waa shay qofka ku beeran, Masuuliyad ayaa cid kastana ka saaran. Dalkiinbna ilaashada, u samra, khaasatan dhalinyarrada, waan ogahay in aanu wali dhaqaalaheennu gaadhin halkii aynu rabnay. Shaqo abuur badan aynu u baahannahay, laakiin waxaan ka waaninayaa tahtiibka oo runtii dhalinyaradu aanay wax dheef ah ka helayn inay ku dhaqaaqan. Waddan yar ayaynu nahay oo dihin, haddii afar Wershadood aynu hirgelinno, cidda shaqada doonaysa-ba way innagu yaraan doontaa Insha ALLAAH. Markaa dalka aammina ayaan leeyahay.

Xigasho: Wargeyska SomalilandToday




Leave a Reply