Madaxweynaha dowlada Somalia iyo wafdigiisa oo xalay gaadhay, si diirana loogu soo dhoweeyey Doxa

Madaxweynaha dowlada Somalia iyo wafdigiisa oo xalay gaaray, si diirana loogu soo dhoweeyey Doxa

 

Qoha,25.3.13 (SM)Madaxweynaha  Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa ka soo degay caasimadda Qadar ee Dooxa, si uu uga qeyb galo shirka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyay Amiirka dalka Qadar Amir Hamad Bin Khalifah Al Thani, iyo dhaxal sugaha Sheekh Tamim Bin Hamad Bin Khalifah Al Thani sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somalia.

Shirkan ayaa waxaa war saxaafadeedka lagu sdheegay in diiradda lagu saari doono dhibaatada ka taagan dalka Suuriya, sidii loo horumarin lahaa Ururka Jaamacadda Carabta iyo arimaha Falastiin.

Sidoo kale, war saxaaafadeedka ayaa lagu xusay in Kulankan uu noqonayo kii ugu horeeyay oo noociisa ah ee uu Madaxweyne Xassan ka qeyb galo tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Madax kala duwan ee Carbeed si uu ugala xaajoodo arrimo ay ka mid yihiin xiirirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan xagga horumarka.

Madaxweynaha ayaa wuxuu sare u qaaday uuna wanaajiyay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka Caalamka taasna waxey ka mid tahay aragtidiisa siyaasadeed ee ku wajahan arimaha dibadda ayaa lagu soo gebagebeeyey war saxaaafadeedkaas