Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Agaasime KMG ah oo cusub u Magacaabay Hay’adda Nabadsugidda Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Agaasime KMG ah oo cusub u Magacaabay Hay’adda Nabadsugidda Qaranka
images

Isniin, Maarso 25, 2013 (SM) — Kaddib markii uu agaasimihii hay’adda nabadsugidda Qaranka, Axmed Macallin Fiqi uu ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay maanta ayaa waxaa madaxweynuhu uu goor dhow agaasime KMG ah u magacaabay haya’adda, kaasoo magaciisa uu kusoo gaabiyay Cabdikariin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in howlaha hay’addu aysan wax hakad ah ku imaan doonin, wuxuuna xusay inuu ogolaaday iscasilaaddi uu u soo gudbiyay agaasimihii hore ee hay’adda nabadsugidda Qaranka.

“Howsha hay’addu way sii soconaysaa, waxaana ku boorrinayaa mas’uulkan cusub ee xilka haynaya inta laga magacaabay mas’uulka cusun ee howshan sida toosha ah u wadi doona,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Fiqi ayaa sheegay inuu xilkan isaga casilay si iskiis ah oo aysan jirin cid ku cadaadisay, basle uu go’aansaday inuu howlo kale u bedesho, maadama uu xilkan soo hayay muddo laba sano ku dhow.

Hay’adda nabadsugiddda ayaa waxay tahay hay’adda ugu weyn ee amniga Muqdisho uu ku tiirsan yahay, iyadoo hay’addan ay inta badan ka hortagto falalka ammaan-darro ee ka dhaca caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhawaan ayaa waxaa qarax lala beegsaday taliyaha hay’adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ere inkastoo uu ka badbaaday, Al-shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray shacabka iyo askar.

Tallaabada uu madaxweynaha Soomaaliya ku magacaabay agaasimaah KMG ah ee hay’adda ayaa u muuqata mid uu kaga jawaabay go’aanka agaasimihii hore ee hay’adda, iyadoo dhawaanna la bedelay taliyaha iyo abaanduulihii ciidamada xoogga dalka.