Magacyada Saraakiishii Al Shabaab ee ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Diinsoor

Magacyada Saraakiishii Al Shabaab ee ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Diinsoor

Published in Soomaaliya Wednesday, 20 March 2013 11:41

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay degmada Diinsoor, kadib markii xarun Al-Shabaab ku diyaarinayeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyo uu ku dhex qarxay.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaas ku dhinteen, waxaana wararka ay yihiin kuwo isa soo tarayay saacadihii la soo dhaafay.

Xubnaha Al-Shabaab ka geeriyooday waxaa ka mid ah Abaanduulihii Ciidamada ee Gobolada Bay iyo Bakool oo lagu magacaabayay Macalin Jinow, Gudoomiye kuxigeenka maxkamada Al-Shabaab ee Diinsoor iyo Taliyihii saldhiga degmada iyo sarkaal kale.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa ugu baaqayay dadka deegaanka inay u gurmadaan xubnaha ka dhaawacmay, isla markaana ay ugu deeqaan Dhiig.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in goobtii qaraxa ka dhacay ay ilaa iyo iminka xaniban tahay, isla markaana Isbitaalka degmada isku gedaameen ciidamada.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa si weyn ugu xooganaa bilihii u dambeeyay degmada Diinsoor oo aheyd halka saldhiga ugu ahaa gobolka Baay, tan iyo markii laga qabsaday degmada Baydhabo

Waa qaraxii labaad oo muddo bil gudaheed ka dhaca goob Al-Shabaab ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa, iyadoo horaantii bishan uu sidan oo kale qarax weyn uga dhacay degmada Buulo Burde.