Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Maxaad kala socotaa Midowga ururada Somaliland ee UK … British Somaliland Council

British Somaliland Council.

British somaliland council group photo

Magalada London Daladan oo ay ku midoobeen ururo aad u fara badan oo ka dhisan wadanka ingriiska, kuwas oo ka kala socda London, Sheffield, Liverpool, Manchester and Bristol. British Somaliland Council oo lixdii bilood ee la soo dhaafey shirar isdaba jooga uga socdeen magalada London, shirarkan oo lagu dhisaayey dalada iyo sidii loo mideyn laha ururda iyo bulshada qurba jooga reer somaliland.

 

Daladan oo ay soo dhaweeeyen ururda iyo qurba jooga reer Somaliland kuwo kalena aad u xiiseynayaan iney ku soo biraan, waxay muujiyeen in qurba jooga iyo ururda samafalka ah ee reer Somaliland ay baahi weyn u qabeen daladan isku mideyneysa qurba jooga iyo ururka samafalka. British Somaliland Council waxa ku midoobay aqoon yahano, wax garad iyo masuulo ka tirsan dowlada ingriiska.

 

Hadaba waxa 16th March 2013 sabtidi la soo dhaafey shirweyn oo aad loo so ababuuley lagu caleemo sarey oo lagu doorey gudi ku meel gaadh ah, gudida oo khibrad iyo aqoon aad heer u sareeya leh, waxa laga filaya in ay 19 xubnood oo ka tirsan dalada inay ka shaqeysiiyaan.

 

Magacayada Gudida iyo shaqsiyada loo magacabey wax aka mid ah

 

1-    Cllr Abdifatah Nuur Chairman – abdifatah wuxu ka tirsan yahay golaha degaanad ee dowlada ingriiska, khibrad iyo aqoon aad u sareysa ayuu u leeyahay dhisanta iyo kobcinta ururda samafalka. Abdifatah Nuur waxa uu ka hawlgala xafada wembley.

 

2-    Mariam Antony Vice Chair – Mariam waxay in badan la soo shaqyneysay dowlada ingriiska, iyo ururda samafalka ee magalada Sheffield, iyada oo dalada ugu balan qaadey inaney waxaba kal hagraneyn aqoonteeda, lana shaqeyntooda xubanaha dalada kuwa jira iyo kuwa ku soo biraya. Mariam oo dalada kala talinaysa arimaha debeda.

Xubnaha kala socoda urur kala gedisan oo loo magacay xilall kala duwan, waa kuwan hoos ku qoran

 

1-    Rashid Aden-dhere                                     London

2-    Mohamed Saleban                         London

3-    Mohamed Dayr                                 London

4-    Muna Abdi                                        Bristol

5-    Abdirahman Alel                              London

6-    Safi Farah                                        London

7-    Iman Hassan                                                Liverpool

8-    Awale Birinbir                                   London

9-    Huda Cisman                                   London

10-  Ahmed Adam Atom                                    London

11- Said Dualeh                                     London

12- Rhoda                                                London

13- Hussein Askar                                  London

14- Abdillahi Abokor Dhere                  London

15- Maryam                                              Sheffield

Ujeeddada sal-dhiga  u  ah  dallada  oo ah ineey yeeshan gole dhexe oo isla jaan qaadi kara, isla markaana   iskaashi iyo wada shaqeen joogta yeeshan,  hab iyo hanaan fiicana oo haga loo dejiyo . Waxa dallada ila iminka si rasmi ah ugu bahoobay  18 urur oo dhamaantood ka shaqeeya arimaha bulshada haday tahay samafalka,horumarka ,mashaaricda dib-udhiska dalka ,wadooyinka,caafimaadka,deegaanka,wax-barashadda,daryeelka agoomaha ,naafada,gurmadka abaaraha iyo xaaladaha deg-deg  ah,ictiraaf –raadinta,la dagaalanka qabyaaladda,denbiyadda iyo mukhaadaradka  , iyo wacyi –gelinta bulshadda guud ahan

Gabagabadi waxanu ugu baaqna ururada daneeynaya inay ku so biiran dalladan  in markasta lagu so dhaweeynayo gacmo furan iyo qalbi furan

URURDA KALE EE REER SOMALILAND EE RABA INEY KU SOO BIIRAAN DALADAN WAXA LA OGEYSSINYA INEY U SOO DIRAAN EMAIL MADAXA XIDHIIDHKA URURDA

 

Salaan2000@hotmail.com

 




Leave a Reply