Orodyahan Somalia Ah Oo Wacdaro Ka Dhigay Dalka Holland

 

Dalka Holland ayaa waxaa mar kale ka soo baxay orod-yahan da’yar oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya, kaasoo dhawaan wacdaro ka dhigay magaalada Bergen op Zoom ee gobolka Brabant, kadib markii uu ku guuleystay Orodka 400-mitir.

Osman Abdillah Hamud waa 17-jir u dhashay dalka Soomaaliya, oo Muddo 1-sano iyo 2-bil ka hor Magan galyo Qaxooti weydiistay dalka Holland, isagoona xilligaan ku nool Magaalada Bergen op Zoom ee Gobolka Brabant.

Osmaan waxaa uu dhawaan heshiis la galay Naadiga AV Spado – Bergen op Zoom ee ciyaaraha fudud, isagoo kulan ciyaareedkiisii ugu horeeyay naadiga u soo jiiday guul lama ilaawaan ah, wuxuuna la orday ciyaaryahano in muddo ah tababar ku mashquulsanaa.

Ciyaaryahan Osmaan ayaa sidoo kale kaalinta 3-aad ka galay tartanka 5-KM, iyadoona macalinka ciyaaryahankaan Alex van Tilburg uu saxaafada u sheegay in Osman 2-todobaad kadib uu ka qeyb geli doono tartanka 6-KM, taasi uu filayo in uu guul ka keeno.

Saxaafada gobolka Brabant ayaa si weyn u buun buunisay guusha uu keenay Osman, isagoo noqday da’yar Muddo kooban ku nool wadanka Holland, isla markaana mustaqbal wanaagsan ku leh ciyaaraha Holland.

Ma ahan ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee dhanka orodka ka soo baxa Holland, waxaa jira ciyaaryahano kale oo Soomaaliyeed kuwaasoo ka orda Holland, waxaana ka mid ah ciyaaryahanka xilligaan Qaranka Holland u ordi doona ee Abdi Nageeye.

Salah Hassan Omer [Salah Dheere]
Amsterdam – Nederlands.
s.dheere@hotmail.com