Prof: Axmed Ismail Samatar oo maalmo ku ogaaday waxay shakhsiyaadka Beelaha dhexe 20 sano ku ogaan waayeen

Prof: Axmed Ismail Samatar oo maalmo ku ogaaday waxay shakhsiyaadka Beelaha dhexe 20 sano ku ogaan waayeen

IMG_0046

Waxaan rabaa inaan halkan ku soo gudbiyo qorma xiiso badan oo runtii dareenka dad badan soo jiidatay, arintaas 
oo ah arrin muddo kooban uu ku soo ogaaday Mr.samatar oo u ololeeya Somaliweyn dhalasho ahaana ka soo jeeda
Somaliland. Axmed waxa uu diiday in uu noqdo shakhsiyad loo haysto oohinta ama ilmo iska keenka marka
siyaasiyiinta iyo madaxda reer koonfureedku qadayaan heesta ay riwaayadda somaliweynta ku jilaan ee ah
somaaliyee toosoo isku tiirsada.
 
Shakhsiyaadka ka soo jeeda Beelaha dhexe ee Somaliland oo muddo 20 sano ka badan loo haystay in lagu
qurxiyo xafladaha reer somalia, ilaa iminka loo isticmaalo sida qalabka wax lagu qurxiyo ayaad moodaa in 
Prof.Samatar kashifay inay yihiin dad lagu shaqaysto oo weliba aan anigu odhan karo waa calooshooda 
u shaqaysta yaal gaar ahaan shakhsiyaadka yidhaaha somaliweyn ayaa jirta.
 
Mr Samatar waxa aad moodaa inuu qaatay gabaygii AHU Ibrahim Gadhle ee ahaa “Adiguba Marwada
Dumar Meher waad ku Gaydaa U Malxiiska Qayrkaa Waxa kaaga Magac Roon Adigoo Mid Guursada”
Aniga oo aan ka war qabin mawqifka siyaasadeed ee Mr. Samatar Haddana waxa aad iyo aad ugu 
hanbalyaynayaa Ildheerida uu waqtiga kooban ku ogaaday waxa Xamar yaal, waanaan ka xumahay
in kuwii 20 ka sano ku sii socday ay ogaan kari waayeen xaqiiqada taala halkaas.
Waxa dhab ah siyaasiyiinta Somalia waxa ay qabaan inay Somaliland tahay Bonus somalia la siiyay
ama wafo loogu daray markay xorriyadda talyaaniga ka qaateen. Mana qabaan in shacabka somaliland
iyo siyaasiyiinta reer Somaliland midkoodna qaadan karo aragtida lahaanshaha ee ay qabaan wax
ka duwan.
Gebogebadii waxa aan aad oga xumahay kuwa ka soo jeeda beelaha dhexe ee 20ka sano oohinta 
loo haystay ka dibna waxoogaaga beesadaha ah loo tuurayay,sida dadka xabashida ah ee geeriyaha
oohinta loo soo kiraysto.
 
Ibrahim Duale Sulaiman Talaabo