Qarax is miidaamin ah oo caawa ka dhacay fadhiisin ciidamada dowladdu ku leeyihiin Suuqa Bakaaraha

Mogdisho 21.3.12 (SM)Caawa maqribnimadii ayaa qarax is miidaamin ah waxaa uu ka dhacay saldhig ciidamada dowlada Somalia ku leeyihiin qeybta lagu iibiyo dawooyinka ee Suuqa Bakaaraha kaasoo lagu soo waramayo inuu geystay khasaare nafeed.Wararku waxay sheegayaan inuu fuliyey nin dhalinyaro ah oo isku soo xidhay waxyaabaha qarxa kaasoo gudaha u galay saldhigaas ka dibna isqarxiyey, iyadoo warar kala duwana ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Gudoomiyaha degmada H/wadaaag ee gobolka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar ayaa sheegay in qaraxaas uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyey nin waxyaabaha qarxa soo xirtay oo gudaha u galay saldhig Boolisku ku leeyihiin Suuqa Bakaaraha.

“Waxaa ku dhaawacmay qaraxaas saddex qof oo kala ah, taliyaha saldhigaas iyo labo askari waana kuwo fudud, waxaana ku dhintay oo kaliya ninka isqarxiyey oo meydkiisa oo kala go’ay saldhiga banaanka looga saaray waxaana uu ka tirsanaa Al-Shabaab” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha degmada H/wadaag oo xusay in ciidamo dheeraad ah la geeyey saldhigaas si amaanka loo adkeeyo.

Ma jiraan illaa hadda warar madax banaan oo ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay qaraxaas oo noqonaya kii ugu horeeyey ee qof soo xirtay waxyaabo qarxa uu ka fuliyo gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo illaa hadda aysan jirin cid sheegtay masuuliyadiisa.