R/wasaaraha Somalia oo kormeeray Dekedda Kismaayo iyo xarunta ciidamada Xoogga(Daawo Sawirada)

R/wasaaraha Somalia oo kormeeray Dekedda Kismaayo iyo xarunta ciidamada Xoogga(Daawo Sawirada)
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka kormeeray Dekedda magaalada Kismaayo iyo xarunta qeybta labaad ee ciidanka Xoogga Dalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo ugu horeyntii booqday Dekedda magaalada ayaa u kuurgalay qaabka maamul iyo midka howleed ee Dekedda, isaga oo ku soo wareegay qeybaha Dekedda oo ay xilligaasi ka soconeysay dejinta badeecado iyo qalab kala duwan.

Booqashada ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Gaashandhigga Mudane Cabdixakiin Maxamud Xaaji Fiqi iyo Guddoomiyaha maamulka kumeel gaarka Axmed Maxamed Suldaan (Axmed Madoobe). Waxayna maamulka Dekeddu uga warbixiyeen qaabka maamul iyo shaqo ee Dekedda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday xaruntii hore ee Shirkole, oo ah taliska qeybta labaad ee ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna la kulmay saraakiisha ciidamada xoogga oo uga waramay qaabka ciidamadu uga howlgalaan gobolkan Jubbada Hoose.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidamada uga mahadceliyay halgankoodii dheeraa ee xoreynta gobolka, wuxuuna ka dalbaday inay ka sifeeyeen kooxaha nabadiidka ah dhamaan deegaanada ay wwali haystaan Al-shaab.

“Dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed marnaba idinkama abaal dhicidoonaan, sida aad dhiigiina ugu hurteen difaaca dalka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo fursad weyn ku tilmaamay qaadista xayiraada hubka ee Soomaaliya, taasoo buu yiri suurtagelineysa in ciidamadu helaan hub iyo qalab ciidan.

Kormeerka Ra’iisal Wasaaraha ayaa qeyb ka ah u kuurgalida xaaladdaha magaalada ee dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Xafiiska Shabakada Salaanmedia
Muqdisho Somalia
info@salaanmedia.com



\