Socdaalkii Same-Wade oo galay Maalintiisii 5aad ee Wadada Cirmar ee Marta Miiraha iyo Magaaada Yucub oo Siwayn loogu Riyaaqay.

Socdaalkii Same-Wade oo galay Maalintiisii 5aad ee Wadada Cirmar ee Marta Miiraha iyo Magaaada Yucub oo Siwayn loogu Riyaaqay.

Yucub(SM) Talaado March 19,2013.Waftiga socdaalka Samewade ee uu Hogaaminayo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Shalay ilaa xalay ku sugnaa Magaalada Gaashaamo oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay halkaasoo ay kulamo jawi haboon iyo is afgarad ku dhamaaday ay kula yeesheen suldaanada,Odoyaasha,Waxgaradka,haweenka,Culuumaudiinka,Dhalinyarada iyo ganacsatada Magaalada Gaashaamo ee Gobolka Jarar.

Abaarihii 8dii subaxnimo ee saaka oo ahayd maalin Talaada ah taariikhduna tahay 19 march 2013 ayaa uu waftigu ka soo ambabaxay isagoo ku soo jeeday Dhanka Gobolka Qoraxay islamarkaana shirar ku soo qabtay Tuulooyinka ay ka midka ahaayeen Ceelbaxay iyo marsin,kadibna Cagta saaray wadada caanka ah ee loo yaqaan Cirmar iyagoo ku soo wajahnaa Dhanka Gobolka Doollo halkaasoo Tuulooyinka Garwaan,Laan-jaleelo,Garoonka,Tuulo Caliwanaag,Miir Danbas iyo Garloogube ay shacabka degani oo ka koobnaa Dhammaanba qaybaha bulshada ay si heersare ah ugu soo Dhaweeyeen Madaxweynaha iyo Waftigiisa iyagoo caleemo qoyan ruxayay halkaasoo madaxweynuhu uu kulamo goos goos ah kula yeeshay islamarkaana mahadnaq ka dib u balnqaadayshacabka wax ka qabashada codsiyadii ay Tuulo walba halkaa ugu soo bandhigeen kuwaasoo ay ka mid ahayd Dhismaha Iskuulo,Xarumo caafimaad iyo hafar damyo.

Booqashadii Garloogube ka dib ayaa uu Madaxweynaha iyo waftigiisu u soo dhaafeen Dhanka Senterka Yucub ee Degmada Wardheer ee Gobolka Wardheer,halkaasoo ay Shacab aad u tiro badan oo ruxayay Caleemo qoyan,Calamo iyo boodhadh ay waftiga kaga hor yimaaadeen masaafo dhan 2km oo ka baxsan magaalada Yucub halkaasoo ay si Qiimo badan ugu soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo waftigiisa kuna soo galbiyeen Dhaanto ay isla jiibinayeen Wiilasha iyo Gabdhaha Magaalada Yucub,taasoo uu ku maqsuuday Madaxweynuhu,islamarkaana uu kulan balaadhan kula yeeshay Shacabweynihii Goobtaas ku sugnaa.

Sidoo kale kooxaha Fanka iyo Dhaqanka DDSI ayaa Bandhig-faneed aad u Qurux badan ugu soo bandhigayay Caawa Shacabka Reer Yucub Goob loogu talogalay islamarkaana ay shacabka iyo kooxuhu jaanta dhaantada isla wada heleen. Madaxweynaha iyo Waftigiisa oo ujeedada Socdaalkooda Same-Wade oo ku wajahnaa Gobolada Faafan,Jarar,Qoraxey iyo Doollo ayaa Ka Soo bilaabmay Gobolka Faafan oo ay kulamo kula soo yeesheen Shacabka Degmada Harshin iyo Laanqayrta,ayaa sidoo kalana Gobolka jarar kulamo la soo yeeshay Magaalda Daroor iyo Tuulooyinka Hoosyimaada iyo Gaashaamo iyo Tuulooyinka Hoosyimaada,Halka Gobolka Qoraxay uu Waftiga madaxweynuhu ay shirar loo wada riyaaqay uu la soo yeeshay Shacabka Degmada Marsin,Ceelbaxay iyo Garwaan.

Dhanka kale madaxwaynaha ddsi.iyo waftigiisa ayaa usoo baxay gobolka doolo iyaga oo markaasi ay soomareen tuulooyinka laanjaleelo. miirdanbas-cali wanaag,Garooniyo garloogube,islamarkaana uumadaxwaynuhu kulamo kulayeeshay goobahasi shacabka qaybihiisa kaladuwan, iyadoona ay caawa madaxwaynaha ddsi iyo waftigiisuba ay kusuganyihiin santarka yucub ee dagmada wardheer ee gobolka doollo kulamana kula yeelanayaan Suldaanka,Gudoomiyaha Sentarka iyo odoyaasha Yucub.

Isku soo wada duuboo mdaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo u soo Kuurgalay Dhamaanba Goobihii uu soo maray Xaaladooda Nololeed ayaa Ku Sugan Senterka Yucub iyadoo la filayo in Waftigu Berito Booqan doono Qaar ka mida Degmada Wardheer.

Xigasho Cakaara