XISBIGA KULMIYE OO 31 BISHAN QABAN DOONTA SHIRKII GOLAHA DHEXE EE XISBIGA.

Xisbiga KULMIYE Oo Cayimay Shirkiisa Golaha Dhexe

March 26th, 2013 Comments Off

 IMG_0124

Hargeysa (SM)- Xisbiga tallada haya ee KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inay 31-ka Bishan ay qaban doonaan shirkoodii Golaha dhexe.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo war-gelin ah oo uu soo saaray Xoghayaha Golaha Dhexe Mustafe Maxamed Yoonis, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE wuxuu ku wargelinayaa dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE inay ka soo qaybgalaan shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo dhici doona 31/03/2013, ahna maalin Axad ah, kana dhici doona Huteelka Maansoor markay saacaddu tahay 9:30 subaxnimo, shirkaas oo socon doona hal maalin.

Mar labaad dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE waxaan ku adkaynaynaa inay ka soo qaybgalaan shirkaas oo aanay ka maqnaan.”

Salaanmedia/Hargaysa