Baaq Tageero Shirkii Somaliland iyo Somalia…Suldaanka guud ee Irir Samaale.

 

Warqad qoraal ah oo qaybo kala duwan uga hadlayo 
Suldaanka guud ee beel weyna irir samaale Suldan Abdikariim Farah Ibrahim kuna
 wajahan gayiga Somalida,

   Waaxayna u dhigneey sida tan
Suldaan ku waxuu hadalkiisa ku bilabay isagoo

ka hadlaaya wada hadalkii dhexmaray Somalilan 

iyo Somaliya kuna dhex maray wadanka Turkiga,

waxuu yidhi Suldaanku  wada hadalku waxuu ahaa

mid ad u wanagsan loona maareeyey sidii uugu 

fiicneeyd. 


waxanad moodaysay inay labada dhinacba 

ka ilaliyeen inuu hadalka reebo wax xanaf ah.

waxanan  rajaynayaa inuu ku dhamaado guul labada

Wadanba dan u ah, waxaan labada madax weyne

iyo warfuudii la socotayba uuga

mahad celinayaa sidii wanaag saneeyd ee

ay u galeen shirka iyo qodobadi ayka soo 

sareen.


Waxaa kaloo Suldaanku si kulul uuga hadlay

shirka ka socda magaalada Kismaayo kuna 

tilmaamay mid baal marsan shuruucda wadanka

uyaala maadama haba yaraatee kasoo bixin

shuruuudihii u yaalay maamul u samaynta

maamul goboleed yada ,


Waxaanu Suldaanku ku tilmamay inay shirkaasi

wadaan kooxo laga soo abaabulay Wadamo

shisheeye oo ay ka mid tahay Kenya

waxaanu baq u dirayaa Suldaanku  urur 

Goboleedka Egad  midowga Afrika

iyo Dowlada dhexe ee Somaliya

waxaanu usoo jeediyey inay sida ugu 

dhakhsaha badan uuga hor tagaan

inay maamulkasi gacanta u galo

cid khaasa oo dadka deegaankuna

marti ka noqdaan.


waxaa kaloo Suldaanku sodsi usoo jeedyey

shacbiga Somaaliya gaar ahan kuwa ku

dhaqan gobolka Banaadir kana codsaday

inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka

si ay uuga bad baadaan bamka iyo

qaraxyada ay la beegsanayan kooxaha 

manaxa yaasha .


Sidoo kale waxuu Suldaanku la hadlay 

shacbiga ku dhaqan Somaliland

isagoo usoo jeediyey inay dagaal

adag la galaan maan dooriyaha qaadka 

oo dhaqaale ahaan nafeyey Somaliland

kuna badalaan cunida qaadka iyo wakhtiga 

kaga luma barashada tacliinta iyo

wax soosaarka dalka beeraha kaluumaysiga

iyo dib u dhiska dalka iskaa wax u qabso.


Sidoo kale waxuu Suldaanku baaq usoo jeediyey

Xukuumada Somaliland uu Madaxwayne ka yahay 

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

kufsi la sheegay inuu ka dhacay degmada

xudun kaasoo la sheegay in loogu geeystay 

haweeney dhalin yaro ah 

kufsigaasoo lagu eedaynayo xubno ka 

tirsan ciidamada amanka somaliland

arintasoo hadii ay jirto dhaawac ku ah 

shacbiga dalka dadka iyo ciidamada kala

duwan ee qarankaba


Waxanan jeclahay hadii ay jirto xubno falkasi 

ku kacay in maxkamad lasoo taago

lana marsiiyo sharciga dalka uyaala 

dhinaca kufsiga.


Suldaan ku waxuu hadalkiisa kusoo

gaba gabeeyey duco oo uu u duceeyey

guud ahaaaaan soomalida 

isagoo ale uuga baryey nabad galyo 

iyo barwaaqo iyo wada noolaansho wanagsan


WABILHI TAWFIIQ


Afhayeenka Sandalada Fardooleyda Bariga Afrika