Abuu Mansuur Al-Imriki oo sheegay in uu dhaawacmay kana bad-baaday Shirqool lagu dili lahaa(Daawo Sawirada Dhaawiciisa)

Abuu Mansuur Al-Imriki oo sheegay in uu dhaawacmay kana bad baaday Shirqool lagu dili lahaa(Daawo Sawirada Dhaawiciisa)  
 

Cumar Xamaami oo loo yaqaanno Abu Mansuur Al-Amriki una dhashay Mareykanka in badanna ku sugnaa Soomaaliya xurinta dagaalada dowlada Soomaaliya looga soo hor jeedo ayaa waxa uu soo diray fariin uu ku sheegayo in uu ka bad baaday shirqool lagu khaarijin lahaa dhaawacna soo gaadhay.

Fariintaan uu ku sheegayo in uu dhawacmay hasa yeeshe uusan dhiman ayuu soo dhigay barta uu sida weyn u adeegsado ee Twitter.


Sawirada uu Twetter,kiisa soo galiyay Abu Mansuur oo u dhashay dalka Maraykanka waxaa ka muuqanaya dhaawacyo kasoo gaaray dhanka qoorta hase ahaatee waxaa uu sheegay inuu noolyahay oo uu waliba caafimaad qabo.

Abuu Mansuur ayaa qoraalka uu ku qoray boggiisa Twetter-ka ku yiri, “Waxay doonayeen inay i dilaan Alle mahadiis dhagar qabayaal ayay ahaayeen waana ka bad baaday” .

Xamaami oo ku caan baxay hadalada ad adag ee Shabaabka ka dhanka ah ee uu dunida u gudbinayo ayaa Kooxdu waxa ay mar sii horeysay Sheegtay in ay shaqadii ka eryeen oo uusan afkooda ku hadli Karin isaga oo dhowr mar isna soo ban-dhigay cabsi uu ka qabo in ay khaarijiyaan.

Salaanmedia/hargaysa