Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Abwaab Hadraawi…”Fule Xantii Ma Mooganee Ma Waxaad Maqasheen Hadraawi Soomaaliwayn Ayuu Taageersan Yahay?”

Fule Xantii Ma Mooganee Ma Waxaad Maqasheen Hadrwaawi Soomaaliwayn Ayuu Taageersan Yahay? Saw Xornimadiina Dib Ulamaydaan Soo Noqonin, Ikhtiyaarka Idinkaa Iska Leh”

hadraawi1
April 10, 2013 Hargeysa (SM) Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah Abwaanada ugu miisaanka culus Soomaalida ayaa mar uu xalay Muxaadiro ka jeedinayey Jaamacadda Admas xarunteeda Magaaladda Hargeysa ka hadlay mabda’a uu ka aaminsan yahay gooni isku taaga Somaliland, kaas oo dadku figrado kala duwan ka aaminsan yihiin, kuna murmaan badanaa. Abwaan Hadraawi oo isaga uu xalay madashaas oo uu ku soo bandhigayey Maansooyinkiisa, taariikhdiisii Abwaan-nimo iyo wixii uu ku mutay Jeelkii uu Kalidii Taliyihii Siyaad Barre u taxaabay iyo waliba Maansooyinkii uu halkaas ku dhex-curiyey, kaas oo isagu si dhiiran u

hogo-tusaaleeyey Madaxbanaanida Somaliland iyo xuquuqda ay dadkani u leeyihiin inay gooni isku taagaan. Abwaanku waxa uu sheegay inay shacbiga Somaliland ikhtiyaar u leeyihiin inay Somalia ka go’aan iyo inay ka mid noqdaanba, kaas oo si kooban uga hadlay sida uu u arko xantiisa Madaxbanaanida Somaliland iyo waxa uu ka ogyahay fikirka ay dadku ka haystaan inuu Abwaan Hadraawi ogol yahay gooni isku taaga dalka iyo in kale. “Fule Xantii ma mooganee ma waxaad maqasheen Ardayeey Hadrwaawi Soomaaliwayn ayuu taageersan yahay? Saw Somaliland la idinma yidhaadho oo calan ma lihidin oo xoriyadiina dib ulamaydaan soo noqonin, Ikhtiyaarka idinka ayaa iska leh hadii aad go’aysaan iyo hadii kaleba oo idinka ayey arintaasi idinka go’daa.

Salaanmedia/hargaysa

Please follow and like us:




Leave a Reply