Afhayeenka AMISOM, Cali Aadan Xumad, oo u duceeyay Afhayeenka Shabaab, Cali Dheere (Muxuu ugu duceeyay?)

Afhayeenka AMISOM, korneyl Cali Aadan Xumad, oo wax laga weydiiyay weerarkii lagu dhamaaday ee Shabaabku ay sheegteen ee ka dhacay Muqdishogaar ahaan maxkamada gobalka Banaadir ayaa waxa uu ku sheegay weerarkaasi mid arxan darra ah oo shacabka lagu dhibaateynayay.

Xumad ayaa yidhi, “Ninka Cali Dheera ah ee Sheegtay in uu laayay shacabkaasi aan waxba galabsan waa jiranyahay ee Allaha caafiyo”.

Cali Aadan Xumad ayaa waxa uu  dhaliil uga dhigay in Cali Dheere Xanuun-sanyahay in ruux caafimaad qaba uusan ku faaneyn xasuuq lagula kacay shacab aan waxba galabsasn oo nolol maal meedkooda raadsanayay.

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) Afhayeenka Shabaab, ayaa waxa uu dusha u ritay weerar isbuucii hore lagu qaaday Maxkamada gobalka Banaadir oo isugu jiray qaraxyo iyo xabado dadka si toos ah loogu ridayay kaas oo 50-meeya ruux lagu khaarijiyay in ka badanna lagu dhaawacay.

Salaanmedia/Mogdisho