Aqoonyahan Ku Taliyay In Dib Loo Saxo Diiwaangelintii La Laalay

Aqoonyahan Ku Taliyay In Dib Loo Saxo Diiwaangelintii La Laalay

April 18th, 2013 Comments Off

H

argaysa (SM):- Dr. Aadan Ismaaciil Xasan oo ka mid ah aqoonyahamiinta Somaliland isla markaana ku xeel-dheer arrimaha doorashooyinka ayaa ku taliyey in aan dalka laga qaban diiwaangelin cusub bal se loo baahan yahay in dib u sixid lagu sameeyo diiwaangelintii Somaliland laga sameeyay sanadkii 2008-dii ee la laalay.

Dr. Aadan Ismaaciil Xasan oo shalay waraysi gaara siiyay wargeyska DAWAN, ayaanu ka waraysanay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sida uu u arko muddo kordhintii ay golaha guurtida Somaliland xilka ugu kordhiyeen golaha wakiilada, sida ay u suurtogelayso in la israaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilada iyo sidoo kale in doorashooyinkaasi lagu galo diiwaangelin dalka laga sameeyo ka hor inta aan la gaadhin wakhtigooda.

waxaanu Dr. Aadan tallo qaldan ku tilmaamay go’aankii lagu laalay diiwaangelintii dalka laga sameeyay sanadkii 2008-dii, waxaanu sheegay arrintaasi ay dhibaato badan soo gaadhsiisay Somaliland isla markaana haddii diiwaangelintii la laalay lagu geli lahaa doorashadii goleyaasha deegaanka aanu dhaceen jahawareerkii iyo fawdadii ka dhashay doorashadii deegaanka. Waxaanu yidhi “waxaan qabaa haddii doorashadii golayaasha deegaanka lagu geli lahaa diiwaangelintii la laalay in aanu khalad badani dhaceen, diiwaangelintii la laalay dhib badan ayay inoo gaysatay, wax way ka qaldanaayeen laakiin waxay dhaantay fawdadii iyo jahawareerkii inagu dhacay, waxaanan qabaa in aanay u suurtogasheen dadkii tobanka jeer ku celceliyay doorashadii deegaanka, khaladka berigii dhawayd dhacay may dhaceen haddii diiwaangelintii la laalay lagu geli lahaa, doorashadii madaxweynaha ee lagu galay diiwaangelinta kama ay dhicin wax khaladaad ah oo badan, inta la laalayo waxay ahayd in la saxo, markaa waxaan leeyahay ha la sameeyo waxyaabo lagu saxayo, oo lagu shaandhaynayo, ee ayaan la tuurin diiwaangelintii hawsha badan, kharashka iyo dadaalkuba ku baxeen.”

Waxa kale oo uu sheegay Dr. Aadan in aanay wakhtigan suurtagal ahayn in diiwaangelin cusub dalka laga sameeyo, taasi oo u baahan baa uu yidhi kharash iyo hawl in la geliyo isla markaana lacagta ku baxaysa diiwaangelin cusub oo la sameeyo inay ka fiican tahay tii hore oo dib loo saxo.

Waxaanu tilmaamay Dr. Aadan in uu muddo ka soo shaqaynayay arrimaha doorashooyinka iyo diiwaan gelinta isla markaana uu ka mid ahaa xubnihii qorsheeyay diiwaan gelintii Somaliland ka dhacday sanadkii 2008-dii, sidoo kalena uu muudo ahaa madaxa tababarada ee guddida doorashooyinka. Isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Diiwaangelin in la sameeyo waxaan u arkaa inay muhiim tahay, laakiin tii hore ee la sameeyay waxbaa inoo bilawnaa oo dadaal iyo lacag ayaa la geliyay, markaa tii hore in la saxo ayaa loo baahan yahay, aduunyada markay cidi wax cusub bilawdo waxaa la bilaabay ayaa la sii kabaa oo la sii taakuleeyaa, waxa cusubi dhibaatadiisa iyo kharashkiisa ayuu la imanayaa. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii qorsheeyay diiwaangelintii hore oo madaxa tababarada ayaan ahaa, tababaro badan iyo dadaal badan ayaanu ku samaynay, doorashadii madaxweynaha ee sanadkii 2010-kiina waxaan ahaa madaxa tababarka Komishanka Doorashooyinka.”

Dr. Aadan Ismaaciil Xasan oo aanu waydiinay sida ay u suurtogalayso in mar la wada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada, waxa uu sheegay in arrintaasi ay u baahan tahay wacyigelin balaadhan oo loo sameeyo bulshada, maadaama aanay dadka reer Somaliland intooda badani waxna qorin waxna akhriyin, waxa uu yidhi “waxaa loo baahan yahay in la sameeyo wacyigelin iyo tilmaan tii hore ka badan, maadaama dadkeena inta wax qorta waxna akhridaa ay aad u yar yihiin, markaa waxaa looga baahan yahay Komishanka doorashooyinku inay dadaal aad iyo aad u badan dadka geliyaan, oo loo kala cadeeyo arrimaha, si aanu murug iyo khasaare u dhicin oo waraaqo si khaldan loogu codeeyay aanay ka imanin.” isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “dadka muwaadiniinta ahi xaq ayay u leeyihiin inay ogaadaan cida ay dooranayaan, waana in la tilmaamo, la tababaro, la jiheeyo.

waa in wax loo sheego oo la wacyigeliyo, waana arrin u taala xukuumada Somaliland iyo Komishanka doorashooyinka, siyaasigu ha la i doorto ayuu odhanayaa, laakiin cida masuuliyadu ka saaran tahay inay dadka jiheeyaan waa Komishanka, iyaga ayaana hawshaa looga fadhiyaa.” Sidoo kale Dr. Aadan Ismaaciil Xasan, oo aanu waydiinay sida uu u arko muddo kordhintii ay golaha guurtidu todobaadkan muddo xileedka ugu kordhiyeen golaha wakiilada, waxa uu sheegay in talaabadaasi aanay ahayn mid haboon isla markaana ay kalifayso in mar kasta ay doorashooyinka Somaliland wakhtiga loogu talo galay dib uga dhacaan ay kalifayso Somaliland oo aan iska dabooli karin dhaqaalaha lagu qabanayo doorashooyinka.

iyada oo deeq laga sugayo kharashkii lagu qaban lahaa. waxaanu yidhi “arrintan muddo kordhinta golaha wakiilada ee lagu dhawaaqay waxaan u arkaa arrin aan haboonayn, waxaana ina xukumaysa baahida loo qabo in dhaqaale la helo, haddii aanad dhaqaale badan oo lagu qabto doorasho aanad haysan deeqbixiyeyaashu lacagta ay bixiyaana aad ku xidhan tahay, gacantaadu waa mid aan fidsanayn oo meel kale wax ka sugaysa, taasi ayaana keenaysa in mararka qaar go’aano aanad jeclayn lagugu gaadho, oo deeqbixiyeyaasha Somaliland ka caawinayay doorashooyinka iyo diiwaangelinta wax laga sugo”.

Dr. Aadan Ismaaciil ayaa ku eedeeyey hay’ada Inter peace oo ay deeqbixiyeyaasha caalamku dhaqaalaha doorashooyinka u soo mariyaan Somaliland in ay lunsadaan lacag badan, waxaanu hay’ada Inter Peace ku tilmaamay urur dilaala lacagta Somaliland loogu soo dhiibo, waxaanu xusay in lacagtaasi ay Somaliland ka soo gaadho wax uu aad u yar. “hay’ada la yidhaahdo Inter peace waa urur dilaala lacagta ay deeqbixiyeyaashu Somaliand u soo mariyaan, oo lacagta Somaliland ay deeqbixiyeyaashu ugu soo dhiibaan ayay ka goostaan kharashkooda, mushaharkooda iyo gunadooda, markaa waxa ina soo gaadhaa waa farro guudkood, waana arrin haddii aynu Somaliland nahay oo la ina dooransiiyo aynaan dooraneen, laakiin duruufta ayaa inagu kalifaysa, duruuftuna waxay kugu khasbaysaa mar haddii dal la ictiraafsan yahay aynaan ahayn oo deeqda tooska ah iyo mida aan tooska ahayn midna aynaan helaynin oo aqoonsiga ay ku xidhan yihiin, wixii hay’adaha kuu soo mara, wixii kaa soo gaadha ayuun baad ku qasbanaanaysaa” ayuu yidhi Dr. Aadan.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN