Biriishyadda Magaaladda Burco Oo Biyo xoogli Gil-Gileen.

    Biriishkii BurcoBurco,2.4.13 (SM) Abaara 8:30 fiidnimo ayaa dooxa wayn ee magaaladda Burco ka soo rog-madeen biyo aan xadigooda la qiyaasi karin kuwaasi oo qatar galiyay biriishyada magaaladda burco, islamarkaana waxaa xaniman isu socodka gaadiidka iyo dadwaynaha magaaladda burco

sidoo kalana biyahan xad dhaafka ee ka soo rogmaday dooxa wayn ee magaaladda burco ayaa wax-yeelo u gaystay qaar kamida xaafadaha iyo suuqyadda ka ag-dhaw dooxani, balse wali lama ogaan khasaaraha nafeed ee uu gaystay.

ugu danbayntiina dadwaynaha ku dhaqan magaaladda burco gaar ahaan kuwa ka agdhaw dooxani ayaa ka barakacay xaafada-hoodii iyaga oo ka cabsi qaba inay wax-yeelo u gaystaan biyahani


 
Faysal Maxamed Daahir

Salaanmedia/Buro Office