Boorama Oo Yeelatay Gaadiid Dab-damis ah

April 1st, 2013 Comments Off

Boorame (SM)- markii ugu horaysay ayaa waxa maanta magaalada Boorama cagaha soo dhigay laba dab-damis oo Noocoodu yahay Mercedes(Marshaandii s)oo magaaladu leedahay, kuwaasi oo mudo dheer lagu hawlanaa keenistooda.

Markii labadan dabdamis soo gaadheen Boorama ayaa waxa ay dhex mareen Magaalada waxana wadooyinka isa soo tubay dad aad u badan oo la riyaaqsan dabdaisyadan isla markaana sacab iyo mshxarad ku soo dhawaynayay.

Sh. Xasan Daheeye Axmed oo ka mid ahaa dadka dadaalka dheer u galay keesita dabdamisyadan ayaa waxa uu gabi ahaanba u duceeyay dadkii qaadhaanka ka gaystay dabdamisyadan keenidooda, waxana uu u mahadnaqay gabi ahaanba xukuumada iyo qurbojooga Canada iyo Ingiriisku ugu badan yihiin.

Cabdiraxmaan Axmed Obsiiye Geeljire oo isaguna ka mid ahaa gudida dabamiskan keentay oo ka hadlay halkaasi ayaa xusay in mudo 13 bilood ah ay qaadatay in la helo gaadiidkaasi dabdamiska ah waxana uu yidhi “ Ma aha wax aan leenahay waa wax ay dadwaynaha reer Awdal leeyihiin, waxa ay u adeegi doonaan danta dadwaynaha, waxana aan u mahadnaqaynaa intii ka qayb qaadatay qaadhaan bixintooda”.

Hindisahan ah in Boorama ay hesho dabdamis ayaa waxa uu bilaabmay kadib markii marar badan uu dab waxyeeleeyay magaalda isla markaana loo baahday in dabdamis la helo, waxana ka qayb qaatay helida debadamisyadan gudi iskeed isku xilqaantay oo ay ugu shaqo iyo dadaal badnaayeen eebe ha ka abaal mariyo gabi ahaantoodba e Sh. Xasan Daheeye Axmed iyo Marwo Foosiya Xasan Iimaan.

Salaanmedia/Borama