Ciidmada nabad gelyada wadooyinka Muqdisho oo soo saaray sharci layaab leh oo ka dhan ah gaadiidka ku daaha baarkinadda.

Ciidamada FBI-da Mareeykanka oo dhanka baarista gacan loogu taagay ayaa waxa ay soo heleen labadii nin ee ka dambeeysay Qaraxyadii ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareeykanka. Raga la weeraray oo loogu tagay guri ku yaala magaalada Watertown ee dalka Mareeykanka waxa ay Rasaas is weeydaarsadeen Ciidamada FBI-da Mareeykanka waxaana isla goobtii ku geeriyooday mid ka mid ah ragii qarxiyay tartankii Marathon-ka magaalada Boston iyo Askari ka tirsan Ciidamada FBI-da Mareeykanka. Wiilashaan ayaa la shaaciyay inay walaalo ahaayeen waliba asal ahaan ka soo jeedeen dalka Jejniya. Mid ka mid ah Wilaashaan oo aad u hubeeysan ayaa baxsaday waxaana shacabka ku nool magaalada Watertown looga digay inay banaanka u soo baxaan sida uu sheegay Masuulka ugu sareeya FBI-da Mareeykanka Mr. Richard DesLauriers. Telefishinada Caalamka ayaa si toos ah looga daawanayay markii ay Rasaasta is weedaarsanayeen Wiilashaan walaalaha ah iyo Ciidamada FBI-da Mareeykanka. Qaraxyadii lagu qaaday magaalada Boston waxaa ku geeriyooday 3 ruux halka dhaawaca uu sii caga cageenayo in ka badan 180-Qof. Xafiiska Shabakada Salaanmedia Hargaysa