Daah-Furka tv Cusub oo London lagaga dhawaaqay…KALSAN TV

Munaasabad ay kasoo oo qayb-galeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu daah furayey telefishin cusub oo la magac baxay KALSAN TV oo ka mid noqonaya Telefishinnada ku hadla afka Soomaaliga ee fadhigoodu yahay London.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin, waxgarad, siyaasiyiin, culummo iyo haweenka Soomaaliyeed, kuwaasoo hadallo kala duwan ka jeediyay goobta.

IMG_0423

Xubnihii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa agaasimihii hore ee TV-ga Qaranka, Cabdiraxman Rooble iyo madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Cabdullaahi Tiicey Maryan Jaceyl Kabiirka Kooxda Qeyla dhaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel waxa ayna dhamaandood carabka ku dhufteen inuu noqdo tvgan cusub mid la jaan qaada waqtiga lana shaqeeya dowlada curdaka ah ee inoo dhalatey waxa ayna qaarkood codsadeen in barnaamiyada tvga lagu daro kuwa haweenka iyo dhalinyarada maadaama ay yihiin laf dhabarka bulshada Somaliyed.

IMG_0366

Munaasabadan oo aheyn mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa xiriirinayey Wariye Cabdulqaadir Maxamed Cashir (Nadaara) oo ka mid ah wariyaasha Soomaalid kana howlgalaya telefishinkan cusub ee KALSAN.TV

IMG_0447

Ugu dambeyn, waxaa halkaas khudbad ka kala jeediyay maamulaha iyo agaasimaha Tv-ga Khaliif iyo Xasan Durraan iyagoo u ballan-qaaday dadka Soomaaliyeed inay si wanaagsan oo cadaaladi ku dheehan tahay ay ugu shaqeyn doonaan; isla markaana ay qaadan doonaan fikirradooda wanaagsan.tvgana uu yahay mid u furan shacabka Somaliyed iyaga fikradoodana uu ku shaqeyn doono

IMG_0401IMG_0434

Si kastaba ha ahaatee, Telefishinkan cusub ee KALSAN ayaa wuxuu ka mid noqondoonaa Tv-yada tirada badan ee sideedda ah oo ay Soomaalidu leeyihiin oo fadhigood yahay Magaaladan London ee dalka Britain, laakiin waxaa laga dhur-sugayaa wuxuu ka bedelo ama uu kusoo kordhiyo saaxada saxaafadda Soomaalida.

IMG_0454

Xasan Duraan oo ka mid ah oo isna ka mid ah mulkiilayaasha Kalsan TV ayaa mahadnaq kadib sharaxaad kooban ka bixiyey ujeedada loo asaasay waxaanu ku sheegay in ay tahay Kalsan TV warbaahin ganacsiyeed oo dhexdhexaad ah ,Waxaanu usoo qaatay sadex arimood oo uu TV kalsan ka duulaayo.1. Fidno inaanan dadka ka dhex abuurin oo warar dhex-dhexaada tabino 2.Ixtiraam Shacabka Soomaliyeed 3.Islaamka iyo Anshaha Umadda. Waxa kale oo uu ku daray inay soo gudbin donaan war tafatiran oo aad loo kala shaandheeyey.

Salaan media_083

IMG_0450

Khaliif Raage  Cali oo ka mid ah mulkiishayaasha Kalsan TV  waxa uu aad ugu mahadnaqay sida wanaagsan ee aad uga soo qaybgasheen xafladan Daah-furka TV cusub ee Soomaaliyeed,Waxa hadii Illahay yidhaahdo aanu isku dayi donaa inaanu war sugan oo aad ka heshaan idiin soo gudbin doono,waxa kale uu ka waramay ujeedada iyo waxa ku kalifay inay Tv hirgalyaan, ugu danbeystii waxa uu ku dhawaaqay in iminka laga bilaabo TV furan yahay.

IMG_0384

IMG_0386

IMG_0362

IMG_0468

IMG_0390

IMG_0436

IMG_0420

IMG_0387

IMG_0403

IMG_0412

IMG_0410

IMG_0431

IMG_0424

Waxa jira Tv yo aad u badan oo ay dadka Soomaalida ahi leeyihiin,kalana afkaar duwan,lakiin TVgan cusub ee KALSAN waa TV Casri ah oo mulkiilayaasha KALSAN TV ay yihiin rag gacansiyo kala duwan leh kuna bahoobay sidii ay dadka Soomaalida ah u gaadhsiin lahaayeen akhbaar aad u xiiso badan iyo arimo kale oo bulshadu ka faa’ideystaan.

Si aad u daawato KALSAN TV fadlan ka daawo cinwaanka hoos ku yaala .

KALSANTV  HOTBIRD 13.O East

D/L FRQ 11471 MHZ

PLARITY:VERTICAL

S.R:27500

 

XamseA Salaan

London

www.salaanmedia.com