Hawshii Sahanka Shiidaalka Oo Qarka U Saaran In Loo Hakiyo Mad-madow Soo Galay Qaabka Loo Maamulay Hawlaha Kambaniga Wada.

Burco(SM) Apr.16, 2013 – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wariyaha Waaheen ee Gobolka Togdheer u sheegay in kulan shalay masuuliyiinta shirkadaasi ku yeesheen magaaladda Burco ay ka soo baxeen qoddobo hakinaya Mashruucii Sahanka Shiidaalka ee khilaafku ka taagnaa.

oil-rig

Sida uu ku soo waramayo Wariyuhu waxa jira afar qoddob oo dood weyn ka dhaliyay masuuliyiinta Kambanigaasi kuwaas oo kala ah qaabkii loo Maamulay Lacag Hordhac ahayd oo Kambanigu u bixiyay in lagu kala socdsiiyo hawlaha kuwaas oo qaab xisaabeedkii loo isticmaalay ay ka dhex in aanu haboonayn.

Hanjabaado dhinaca Amniga ah oo loo mariyay hawada oo sababay in Hal Askari oo ka tirsan ilaalinta xarunta Kambanigu dagan yahay in xabsiga loo taxaabo kadib markii la sheegay in kaamboolka uu ka dhex helay Qumac weyn oo kawa madaafiicda ah, kaasoo markii uu u gudbiyay sarkaalkii ka sareeyay dareen abuuray, isla markiibana Askarigii Xabsiga loo taxaabay.

Qoddobadan iyo kuwo kale oo uu soo sheegay inaanay wali soo shaac bixin ayuu sheegay ilo wareedyo u dhuun dalloola mashruucaasi inay si hordhac ah ugu sheegeen in shaqaalihii Kambaniga qaarkood lagua war-geliyay in shaqadii la hakiyay ilaa muddo aan la cayimin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ilo wareedyadaasi ay u iftiimiyeen in kambanigu qorshaynayo in uu meel kale uga guuro halka uu imika degan yahay isla markaana sahamiyo meel kale oo suurtogal uga dhigi karta danihiisa Amni, Maamul iyo Sahan intaba.

Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland oo dedaal dheeraad ah galisay sidii loo sugu lahaa Aamaanka Kambanigaas iyo sidii khayraadka Dalka loo soo saari lahaa ayaan ilaa hada wax isbedel ah ku samaynin cabashooyinka ka soo baxay mashruucaasi, waxaana ilaa hada la isku mari la’ yahay sida ka soo baxaysa mashruucaasi inay diidan yihiin wax tanaasulaad ah inay sameeyaan shirkadihii Qanadaraasyadda la siiyay kuwaas oo laga dalbaday inay ka noqdaan.

Salaanmedia/Hargaysa