Iran Oo sheegtay in ay Maraakiib dagaal u soo direyso xeebaha Soomaaliya

Iran Oo sheegtay in ay Maraakiib dagaal u soo direyso xeebaha Soomaaliya

April 29, 2013 | Filed under:
news
Tehran April 29 2013 (SM)– Sida ay qortay wakaalada wararka ee Fars, dowlada Iran ayaa sheegtay inay wado qorshe cusub ay kaga howlgaleyso gacan Cadan iyo Xeebaha Soomaaliya,kaasi oo ay kaga gol leeyihiin inay ku kordhiyaan la dagaalanka waxa loogu yeero Burcad badeeda Soomaalida.

Saraakiil dhanka Bada qaabilsan oo ka socda dalka Iran,iyo Maraakiib dagaal ayaa la sheegay inay Maalmaha soo socda ay ka soo ambabixi doonaan dalka Iran,kuwaasi oo ku soo fool leh Xeebaha Soomaaliya iyo gacan Cadan si qeyb kaga noqdaan Ciribtirka burcad badeeda Soomaalida.

“Maraakiibteena dagaal waxay had iyo goor u taagan yihiin ilaalinta xeebaha Soomaaliya iyo gacan cadan,waxaana inta badan difaacaan Maraakiibta laga leeyahay Iran iyo doonyaha ee isticmaala Xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan,”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xukuumada Iran.

Maraakiibta dagaal Iran ee ka soo horjeeda Burcad badeeda Soomaalida ayaa ka howlgalayay Gacan cadan tan iyo Novembar 2008,markaasi oo dhalinyaro Soomaali ah ay afduubteen Markab shixnad saday oo laga leeyahay Iran.

Ugu danbeyntii dowlada Iran ayaa shaaca ka qaatay in ahmiyadooda ay tahay sidii xeebaha Soomaaliya looga waayan lahaa Burcad badeeda Soomaalida ee qafaasha Maraakiibta iyo doonyaha isticmaala Xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.

Salaanmedia