Iskushaandhaynta Golaha Xukuumada Dowlad Degaameedka Soomaalida Ethiopia

Deg-Deg:kalfadhigii 14aad ee Xisbiga iyo Xukuumada oo Caawa lagu ansaxiyay Magacaabista iyo Iskushaandhaynta Golaha Xukuumada

ethiopia

 Jigjiga(Salaanmedia) Khamiis April 04,2013.waxaa xalay shir isugu yimid hoolka shirarka ee xafiiska madaxweynaha DDSI Dhamaanba golaha Xukuumada DDSI oo uu Hormuud ka ahaa madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Xarunta Dhexe ee XDSHSI Mudane axmed Maxamed Shukri.

Shirkan caawa ayaa uu ugu horayn uu ajendayaashiisa uu kulankan yeelan doono akhriyay wasiirka madaxtooyada Mudane C/casiis maxamed isagoona kaga dhawaajiyay ajandayaal ay ka mid ahaayeen 1-Warbixinta iyo falanqaynta Qorshyaasha Horumarineed 2-Ansaxinta iskushaandheynta Golaha Wasiirada,Maareeyayasha iyo kuxigeenada

dhanka kale shirkan ayaa lagaga dhagaystay Madaxweynaha DDSI warbixin ku saabsanayd socdaalkii Sama-wade iyo nolosha shacabka ku noolaa deegaanada uu booqday sidoo kalana heerka uu gaadhsiisan yahay horumarka ama adeegyada aasaasiga ah ee laga fuliyay. maamulka.

Iskushaandhaynta Xukuumada

1-Cabdirisaaq Cali baashe oo hore u ahaa Wasiirka Arimaha Bulshada wuxuu noqday Wasiirka Beeraha DDSI

2-Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed oo Hore u ahaa wasiirka Horumarinta Magaalooyinka Wuxuu Noqday wasiirka Arimaha Bulshada

3-dr Cabdiqaadir oo hoere u ahaa wasiirka beeraha Wuxuu noqday maareeyaha mashruuca PCDP

4-cabdi maxamed gamaadiid oo hore u ahaa wasiirka abuurka xulka wuxuu noqday maareeyaha wakaalada kiraynta guryaha

5-Cabdi xasan oo ahaa Maareeyaha Magaalada Dh/buur wuxuu noqday Mayorka maamulka magaalada dh/buur

6-C/xakiin Cigaal Cumar oo ahaa madaxweyne xigeenka DDSI ahna Wasiirka Dakhliga waxa uu noqday Madaxweyne kuxigeenka DDSi ahna wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaaloyinka iyo Hawlaha Guud

7-Axmed Shugri oo agaasin ka ahaa xafiiska Hawlaha Guud wuxuu noqday kuxigeenka hawlaha guud

8-Qalbi axmed Jaamac oo ahaa Maareeyaha Mashruuca PCD wuxuu Noqday Kuxigeenka Xafiiska Adeega shacabka iyo kobcinta(Cap Building)

9-C/laahi yuusuf C/wahaab oo agaasin ahaa wuxuu noqday wasiirka xafiiska Ganacsiga DDSI

10-Amiin Yuusuf oo agaasin ka ahaa xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta wuxuu noqday ku xigeenka Xafiiska Maamulka Dhanka Dabagalka

11-Shukri Bedel oo Baadhe ka ahaa Booliska waxa uu noqday ku-xigeenka Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada

12-C/laahi Gasiile oo ahaa Wasiirka Ganacsiga  Wuxuu noqday lataliyaha xafiiska waxb dds

13-khadiir C/raxmaan oo ahaa Maareyayaha ururka Horumarinta Soomaalida wuxuu noqday kuxigeenka xafiiska cadaalada

14-C/fataax oo ahaa mayorka Magaalda Dh/buur kuxigeenka n/galyada iyo cadaalada 15-Abuubakar oo ahaa Kuxigeenka Waxb wuxuu noqdAy kuxigeenka TVET

16-Saney oo ahaa agaasin Tvet wuxuu noqdaqy kuxigeenka Xafiiska Waxb DDSI

17-Bedel Xiis oo ahaa Mayorka Qabridahar Wuxuu Noqday Wasiirka Ilaalinta Deegaanka

18-Fuaad oo ahaa Maareeyaha Wakaalada Dawada iyo Cuntooyinka wuxuu noqday La Taliyaha Kuliyada Caafimaadka

19-C/fataax Siciid Wuxuu Noqday Ku Xigeenka Wakaalada Qurbajoogta

20 Guleed Aw Cali Kuxigeenka Wakaalada Naqshadaynta iyo Kormeerka.

21-C/raxmaan Curaagte kuxigeenka wakaalada Dhismaha iyo hawlaha biyaha

22-c/raxmaan kuxigeenkii beeraha wuxuu noqday ku-xigeenka cilmi baadhista

23-Cumar Siyaad oo ahaa kuxigeenka Dakhliga Sii Hayaha Dakhliga

24-c/laahi garbo oo ahaa Kiraynta Guryaha ku-xigeenka DAkhliga.

25-Cabdirisaq oo agaasin Cilmi baadhista ka ahaa wuxuu noqday madaxa Xafiiska Abuurka Xulka Ah

26-Maxamed C/waaxid oo ahaa lataliyaha madaxweynaha arimaha ka qaybgalka iyo abaabulkaa shacabka kuxigeenka Nabadgelyada iyo Cadaalada

27-Dayib oo ahaa G/xigeenka Gobolka  faafan wuxuu noqday G/xigeenka Gobolka Nogob.

28-Dr C/fataax Niuur oo ahaa Dhakhtar ka hawlaga Karamara ospital wuxuu noqday Maareeyaha Wakaalada Cuntada iyo Daawada.

29-maxaamuud dirir oo ahaa wasiirka ilaalinta deegaanka wuxuu noqday lataliyaha Tvet Colege

30-C/rxmaan Bootaan oo ahaa lataliyaa madaxweynaha Dhanka ururka Horumarinta waxaa uu boodhku u doortay inuu sii wado hawshaa xafiiska ururka horumarinta soomaalida.

31-C/risaaq Saxane oo agaasin ka ahaa xafiiska caafimaadka DDSI waxa uu noqday mayorka mamulka magaalada Qabridahar.

 

Salaanmedia/Jig-Jiga