Kooxda Al-shabaab oo la shaaciyay in diyaarado casri ah lagula dagaalamayo (Diyaaradahaasi waa nuucee?)

Kooxda Al-shabaab oo la shaaciyay in diyaarado casri ah lagula dagaalamayo (Diyaaradahaasi waa nuucee?)  

news
Dowlada Mareykanka ayaa waxa ay shaacisay in ay bilaabeyso xilligaan in ay kooxda Shabaab ee dalka Soomaaliya ka dagaalanta ay ku duqeyso diyaaradaha dagaalka ee aan cidina wedin si loo hakiyo loona soo gaba gabeeyo jiritaanka Kooxdaasi.

War kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa lagu yiri, “Kooxda Shabaab Xilligaan carqalad ayey ku tahy amaanka Soomaaliya, innaguna waxaan taageersanahay dowlada federalka Soomaaliya sidaa darteed waxaan ku duqeyneynaa Shabaabka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee meelaha fog wax ka arka”.

Si gaar ah waxaa loogu xusay war-saxaafadeedka in madaxda Shabaabka lagu u gaarsan doono diyaaradahaasi weerarada ay qaadayaan si loo cirib jaro jiritaankooda mustaqbalka dhaw

Goodinta Mareykanka ayaa waxa ay imaaneysaa iyada oo Shabaab ay qidadii ugu yaabka badneyd taariikhda u adeegsadeen weeraro ay ku layaayeen dad badan kuwa kalana ay ku dhawaceen oo Axadii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ka dhacay.

SM