Kooxda Fc Bayern Munchen oo Darsin Goolal ah dhabarka u saartay Barcelona & Borussia Dortmund Vs Real Madrid oo Caawa cagaha iska tumaya (Sport News) .

Kooxda Fc Bayern Munchen oo Darsin Goolal ah dhabarka u saartay Barcelona & Borussia Dortmund Vs Real Madrid oo Caawa cagaha iska tumaya (Sport News) .

*** Kooxda Kubada cagta FC Bayern Munchen ayaa qarka u saaran u soo bixintaanka Fiinaalka koobka Champions League ka dib markii ay Darsin Goolal ah dhabarka u saareen naadiga Fc Barcelona oo marti ugu ahaa garoonka Allianz Arena ee magaalada Munchen .

Kulan aad u adag oo dhex maray labadaan kooxooda ayaa waxaa lama arag iyo lama maqal lagu dhigay kooxda Fc Barcelona oo mudo aad fog aanan weli looga badin Goolal sidaan u fara badan . Sanadkii 1997-kii ayaa kooxda Fc Barcelona waxaa 4 : 0 kaga soo badisay kooxda Dynamo Kiev oo ka dhisan horyaalka dalka Ukraine wixii xiligaas ka dambeeyayna weli Goolal sidaan u badan faraqa looma galin kooxda reer Spain ee Fc Barcelona.

Kooxda Fc Barcelona oo hawada laga qaryiyay waxaa afarta Gool ka dhaliyay Laacibiinta kala ah xiddiga Qaranka Germany Thomas Müller oo 2 Gool kala dhaliyay (daqiiqadihii 25-aad iyo 82-aad), Goolasha kale waxaa kala raacsaday Weeraryahan Mario Gomez (daqiiqadii 49-aad) iyo Xiddiga Qaranka Holland Arjen Robben (daqiiqadii 73-aad).

Kulankaan waxa ay aad uga taalay inta badan laacibiinta kooxda Fc Barcelona oo laga Ciyaar wanaagsanaa balse Talefishinada Caalamka ee soo tabinayay kulankaan ayaa waxa ay daba dhigteen Ciyaaryahan Lionel Messi kuwaas oo ku tilmaamay in uu ciyaaray kaliyah 20% halka sidii horay looga bartay kooxda Fc Barcelona uu ugu ciyaari jiray 80% iyo natiijo ka sii badan .

Garoonka Allianz Arena ee kooxda Fc Bayern Munchen oo ay soo xaadireen in ka badan 68.000 oo Taageerayaal ah waxaa aad u kacsanaa oo garoonka meel kasta ka taagnaa Laacibiinta kala ah Matoorka Qaranka Faransiiska Franck Ribery, Difaaca Qaranka Germany Philipp Lahm, Xiddiga Qadka dhexe ee Qaranka Spain Javier Martinez, Difaaca reer Brasil Dante Bonfim Costa Santos, Xiddiga Qaranka Holland Arjen Robben, Difaaca Qaranka Austria David Alaba iyo Ciyaaryahan Thomas Müller oo xiddigaha Fc Barcelona ku sameeyay Qiyaano aanan horay loo arag .

Kooxda Fc Barcelona ayaa kulankaan heshay kaliyah 4 Jaanis oo Goolal lagu dhalin karay. Is araga Wajiga labaad ee dhexmaraya kooxaha Fc Barcelona Vs Fc Bayern Munchen ayaa ka dhici doona 1-da bisha May garoonka naadiga Fc Barcelona ee Camp Nou.

Kulanka labaad ee dhexmaray kooxahaan waxaa naadiga Fc Barcelona ganaax kaga maqnaan doona Difaaca Qaranka Spain Jordi Alba oo Kubad Wajiga kala dhacay ciyaaryahan Arjen Robben (daqiiqadii 88-aad) wuxuuna ku maqnaan doonaa 2 Jaale.

Kooxda Fc Bayern Munchen ayaa qaab ahaan waxaad moodaa inay ka aarsatay naadiga Fc Barcelona oo sanadkii 2009-kii ka reebtay koobka UEFA Champions League kuwaas oo xiligaas kaga soo badiyay garoonka Camp Nou (4-0).

XIDDIGAHA FC BAYERN MUNCHEN VS FC BARCELONA AYAA QAABKAAN ISKU QAABILAY :

Bayern Munchen : Neuer – Lahm, Boateng, Dante, Alaba – Schweinsteiger, Martinez – Robben, Müller (83./Pizarro), Ribery (88./Shaqiri) – Gomez (71./Gustavo) .

Fc Barcelona : Valdes – Alves, Bartra, Pique, Alba – Xavi, Busquets, Iniesta – Sanchez, Messi, Pedro (83./Villa).

*** Caawa saacadu marka ay tahay 20:45 waxaa lagu wadaa kulan aad u adag inuu dhex maro kooxaha Borussia Dortmund Vs Real Madrid. Labadaan kooxood ayaa xili ciyaareedkaan isku soo arkay koobka Champions League waxaana gudaha dalka Germany 2-1 lagu soo garaacay kooxda Real Madrid halka dalka Spain ay ku soo wada galeen bareejo 2-2 ah.

Kulanka Caawa oo ka dhacaya garoonka kooxda Borussia Dortmund ee Signal Iduna Park waxaa lagu wadaa kooxda Real Madrid inuu dhaawac ahaan kaga maqnaado Difaaca Qaranka Brasil Marcelo Vieira Da Silva. Dhanka kooxda Borussia Dortmund waxaa Isbuucaan ka dhaawacmay weeraryahanka qatarta ah ee Qaranka Poland Robert Lewandowski balse Xiddigaan oo la hadlayay Tv-ga ZDF waxa uu sheegay in uu ciyaari doono kulankaan isaga oo dhaawac ah maadaama ciyaartaan kooxdiisa aad muhiim ugu tahay .

Kooxda Los Blancos Real Madrid oo Laacibiin qatar ah wadato sida Cristiano Ronaldo, Mesut Mustafa Özil, Karim Benzema, Angel Di Maria, Habi Alonso, Sergio Ramos ,Sami Khedira, Luka Modric, Michael Kojo Essien iyo Ricardo Kaka hadane marka ay maqlaan koox Jarmal ah Korantada ayaa ka tagta waxaana la xaqiijiyay kooxda Real Madrid inay Taariikh ahaan ka cabsato kooxaha ka socda horyaalka dalka Germany ee Bundesliga .

Xigasho Dayniile

Â