Kulankii SSUK iyo jaaliyada Somaliland ee London..Daawo Sawiro

Kulan balaadhan oo ay soo abaabuleen SSUK ayaa  lagu qabtay Galbeedka Magaaladda London,ujeedada kulanka oo ku saabsanaa turxaan bixin,is wareysi iyo sidii reer Somaliland ay gacanta isu qabsan lahaayeen. Warbixinta oo dhameystiran,Sawiro iyo war murtiyeed dhameytiran halka hoose ka akhri.

KADLE0

 

Dalladda SSUK waxay mahad ballaadhan u soo jeedineysaa dhammaan dadweynihii ka soo qayb galay shirkii ballaadhnaa ee ay soo qabanqaabisay Dalladdu (SSUK) ee lagaga arrinsanayay sidii loo midayn lahaa dedaalka iyo wax qabadka bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan UK.
Kulankan oo ka dhacay magaalada London maalintii Axadda 7da Abriil 2013, ayaa waxa ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badan oo ka tirsan bulshada qaybaheeda kala duwan iyo masuuliin ay ka mid yihiin Safiirka Somaliland ee UK Mudane Ali Adan Awale, Maareeyaha TV qaranka Mudane Khadar Ali Gaas, masuuliin ka tirsan saddexda Xisbi Qaran iyo ururkii xaqsoor, wasiirro ka tirsanaa dawladihii hore, Madax dhaqameed, madaxda Urrurada bulshada Somaliland ee UK iyo Aqoon yahanno badan oo rag iyo dumarba leh.
Kulankan oo ay hadallo waano, dardaaran iyo dhiirri-gelin u badan ka soo jeediyeen masuuliinta, madax-dhaqameedka iyo aqoon yahannada madasha ka hadlay ayaa la isla qaatay in si wada-jir ah looga wada shaqeeyo danaha Somaliland iyo kuwa bulshadeenna ku dhaqan UK. Go’aanada la isla qaatay waxa ka mid ahaa in:
•  La dardar geliyo dedaalka loogu jiro ictiraaf raadinta
•  Lala sheqeeyo lana ballaadhiyo dalladda SSUK oo ah dalladda guud.
• La xoojiyo wada shaqaynta Jaalliyadda iyo Safaaradda
• In isu DUUBNI qaran lagu waajaho arrimaha siyaasadeed ee UK ka socda waqtigan
• In dadweynaha lagu boorriyo ka qayb galka BANNAAN BAXA Bruxells ee 11/04/13.
•  In la joogteeyo kulamada wada tashiga ee Jaalliyadda Somaliland ee UK.
•  In iskaashi iyo wada shaqayn buuxda lala yeesho Jaalliyadaha Somaliland ee Europe.
Kulankan ayaa ku dhamaaday jawi qurxoon oo farxad, walaaltanimo iyo dareen waddaninamo oo culusi ka muuqato.
ALLAA Mahad leh,
Abdulla Salim – Guduumiyaha SSUK


KADLEEYE2

KADLEE6

IMG_2846

IMG_2847

IMG_2854

IMG_2861

IMG_2870

IMG_2869

IMG_2878

IMG_2876

IMG_2874

IMG_2882

IMG_2885

IMG_2881

IMG_2880

IMG_2870

Salaanmedia/London