Madaxweynaha Somaliland Oo Khudbad U jeediyay Saraakiisha Wasaarada Gaashaan-dhiga Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland Oo Khudbad U jeediyay Saraakiisha Wasaarada Gaashaan-dhiga Maraykanka

April 24th, 2013 Comments Off

Dulucda Qodobadii ay ka wada hadleen Somaliland Iyo Maraykanku

Washington(SM)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo weftiga uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku maraya dalka Maraykanka ayaa maanta xarunta Pentagon-ka ee Magaalada Washington DC kulan albaabadu u xidhanaayeen kula yeeshay saraakiil sar-sare oo ka tirsan wasaarada Gaashaan-dhiga Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan qado sharaf ah oo wasaarada Gaashaan-dhiga Maraykanku u samaysay waxa uu ka jeediyay warbixin dheer oo uu kaga waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay sida nabad-gelyada, siyaasadda iyo horumarka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in 22-kii sanadood ee Somailand xornimadeeda ay kala soo noqotay Soomaaliya inay abuureen xasilooni iyo dawlad ay Hay’adaheeda kala duwani si hufan u tisqaadeen. Waxa kale oo uu tafaasiil ka siiyay horumarkii ay Somaliland ka samaysay hanaanka dimuqraadiyadda.

“Somaliland waa wadan nabad-doon oo aan dhufays u noqon Karin kuna badbaadi Karin kooxaha Argagixisada ahi,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaanu tilmaamay in xukuumadda Somaliland si adag ula dirirtay kooxaha argagixisadda ah.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa kulankaasi ka dib saxaafada uga waramay qodobadii ay ka wada hadleen weftiga Madaxweynaha iyo wasaarada Gaashaan-dhiga maraykanka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan ka wada hadlaynay arrimaha Geeska Afrika ka taagan, Nabad-gelyada iyo doorka ay Somaliland ka qaadan karto. Waxa kale oo lagaga hadlay kulankan madaxweynaha iyo weftigiisu ay la yeesheen saraakiisha wasaarada Gaashaan-dhiga sidii loo sii balaadhin lahaa wada shaqaynta iyo iskaashiga dhinaca nabad-gelyada ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Weftiga Madaxweynaha waxa socdaalkiisa Maraykanka ku weheliya Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyadda, Qorshaynta, Macdanta iyo biyaha, Wasiirul dawlaha Maaliyadda iyo marwada koowaad ee Somaliland.

Salaanmedia/USA