Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo qudbad Xasaasi ah ka jeediyay shirka Tana(Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo qudbad Xasaasi ah ka jeediyay shirka Tana(Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qudbad ku aadan dhanka amaanka ka jeediyay furitaanka Shirka Tana Forum.

Madaxweynaha waxaa kala qeyb galayo shirkan R/Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. C/Qaadir.

“Africa waa in ay kalsooni muujiso una istaagto ka hor-tagida danbiyadda qorsheysan. Danbi waa danbi cid walbo oo geysato waa isla mid.Qiil ma laho, waana in lagula dagaalamo qaab military iyo qaab siyasadeed.” Saas waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“ Waxaan aaminsanahay in dhamanteen amnigeena guud uu ku jiro deris nabad iyo amni wanaagsan leh. Anaga deris-keena wuxuu isku haleyn karaa Soomaaliya oo nabad iyo amni ah.”

“Waxaan ognahay in Burcad badeeda ay dhaqaalaha aduunka wax u dhintay. Beesha Caalamkana waxey wadaan ka hortagidda Burcad Badeedda. Laakin waxaa muhiim ah in la ogaado in arinkaas uu suurta gal noqon karin haddii aan la helin Soomaaliya oo nabad ah.”

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa wuxuu kula dar-daarmay madaxda Afrika in Afrika ay masuuliyad iska saarto amnigeeda. Dowladda Soomaaliyana ay dadaal ugu jirto in amnigeeda gudaha sugto taasna ay dowladda u tahay muhiimaddeeda Kowaad.

Xafiiska Shabakada Salaanmedia.com
Muqdisho Somalia