Madaxweyne Ku xigeenka oo Hay’adaha ugu Baaqay Inay waxqabadkooda waafajiyaan Qoshaha xukuumadda

Madaxweyne Ku xigeenka oo Hay’adaha ugu Baaqay Inay waxqabadkooda waafajiyaan Qoshaha xukuumadda

April 2nd, 2013 Comments Off

Hargeysa (SM)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in xukuumadu dejisay qorshe ay wax kaga qabanayso horumarka dalka iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sidan ka sheegay maanta munaasibad hay’ada IFAD ay ku guddoon siinaysay 15 baabuur Wasaaradaha Caafimaadka, xanaanada xoolaha iyo beeraha.
Madaxweyne Ku xigeenku Waxa uu u soo jeediyay hay’adaha ka hawlgala dalka inay waxqabadkooda ku dabaqaan qorshaha xukuumadu dhigtay iyo sida mudnaanta loo kala siiyay.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay siyaasada dawladayadu waxa weeyaan in horumarka dalka iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah, waxa loo sameeyay qorshe cad oo ay dawladu ku dhaqmayso sidaa darteed, hay’adaha waxaan jecelnahay in qorshaha dawlada dhigtay ee qorshaha qaranka inay hay’aduhu ku dabaqaan sababtoo ah wuxu xilku ka saaran yahay ummadan reer Somaliland xukuumada talada haysa ayuu xilku ka saaran yahay.”

Madaxweyne ku xigeenku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “iyadana qorshaysay baahidu sida ay u kala mudan tahay sidaa darteed, waxaan jecel nahay hay’adaha caalamiga ah ee nala shaqaynaya inay ku shaqeeyaan qorshahaa dawlada iyo sida mudnaanta loo kala siiyay,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa kale oo uu sheegay in baahiyo aasaasiyi ay ka jiraan deegaanada Miyiga ah, waxana uu yidhi “baahidii caafimaad ee taalay baadiyaha culayska ugu badani maanta waxa uu inaga haystaa dadka baadiyaha oo ay iskugu biirtay dhulkii oo ay wado xumo ka haysato iyo isgaadhiin aan jirin, cisbitaaladii, wadadii oo dhibaato badani inaga haysato Isha Alla waa laga bixi doonaa ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.”