Magaalada London Oo Ay Ka Socato Qabanqaabadda Shirweyne Ay Beesha Arabweyne Ee Degan Qaaradda Yurub Oo Isugu Imanayso

Waxaa Magaalada London kas socata qabanqaabadda Shirweyne ay Beesha Arabweyne ee degan Qaaradda yurub isugu imanayso. Ergooyinka sugan inay shirka ka soo qayb galayaan illaa haatan waxay ka kala imanayaan wadamadda Sweden, Norway, Denmark, Germany, New Zealand iyo USA.

 

Shirkan  ayaa ka mid ah Hordhaca Shirar isdaba jooga oo ka socda Qurbaha taas oo Wajigii 1aad ka dhacay wadanka Sweden looguna  magaca daray AFGARAD I  waxaa immikana qabanqaabadiisu socotay shirweynaha Wajiga 2aad oo loogu magac daray AFGARAD 2 oo ka dhacaya magaalada London. Waxa isaguna Qabanqaabadiisu  Shirweynaha AFGARAD III  dalka Qatar taas oo layskaga imanayo dhamaan Wadamadda Carabta. Shirarkan isdaba jooga ah ay iskusoo wada biyo shuban doona sidii dalka Gudihiisa looga qabanlahaa Shirweyne ay beeshu Guddo iyo Dibadba kuqabsato dalka Gudihiisa. Sida ay Beelaha kale ee dalka  deganba u yeeshaan Shirweyne.

shirweyne astaan

Shirkan ayaa muhiimadiisa tahay sidii loo mideynlaha quluubta beesha, loogana shaqaynlahaa horimarinta deegaanamada ay Beeshu kasoo jeedo iyo in la isla qaato mawqif midaysan oo beeshu iska taagto duruufaha siyaasadeed ee la soo dersay beesha.

Shirkan ayaa waxa lagu qaban doonaa:

Goobta Roundwood Youth Center, 49 Longstone Avenue, Harlesden NW10 3TT

Taariikhda iyo Maalmaha: 04/05/2013, 05/05/2013 (Sabti iyo Axad) Labo Maalmood.

Saacadaha: Maalinta 1aad: 12:00pm- 9:00pm, Maalinta Labaad: 10:00am- 4:00pm

Wixii Faahfaahina kalasoo xidhiidh Gudida Qabanqaabadda

07533485633 , 07506857230,

07838882465,  07943007323,

Nearest Stations: Wilesden Junction, Harlesden Station

Buses: 18, 206, 226, 187, 6, 220, 260

 

Goobta Shirku Kadhacayo ee Roundwood Youth Center

arab holl