DAAWO XAFLADII DAAH-FURKA MAREEGTA SALAANMEDIA.COM

Kulan   ka dhacay Galbeedka London oo lagu daah-furaayey mareeg cusub oo la magacbaxday..www.salaanmedia.com.kulankaas oo ay kasoo qaybgaleen qaar ka mid ah jaaliyadda reer London oo kulankaas kasoo qaybgalay waxay ahaayeen dhalinyaro  aqoonyahano ah degan  magaaladda London,

WWW.SALAANMEDIA.COM

IMG_0136

IMG_0227

Sheekh Cabdilaahi Cismaan oo ka mid ah culimadda aadka looga qadariyo dalkan Ingiriiska ayaa Aayado Quraana iyo wacyi kooban oo isugu jira waano iyo Illaah ka cabsi ku bilaabay waxa uu sidasoo kale kula taliyey dadka saxaafadda ku jira inay wararka ay fidinayaan ka taxadaraan oo ay iska ilaaliyaan iska horkeenka iyo waxyaalaha dhibaatada ku keena shacabka oo ay ka mid tahay in aad fidisaan war aan jirin iyo ku xumeyn aad cid ku xumeynaysid.Waxaanan u rajeynayaa Salaanmedia guul in uu mareegtan ku gaadho

IMG_0198

IMG_0129

Dr Maxamed Yasiin Xasan oo ahaa Wasiirkii Kaluumaysiga iyo khayradka badda SL ayaa isaguna kulanka daah-furka mareegta cusub kasoo jeediyey hadalo aad u muhiima oo ku saabsan guud ahaan saxaafadda sida ay muhiimka u tahay iyo in had iyo jeer laga digtoonaado waxyaalo aan ku habooneyn saxaafadda layskana ilaaliyo wixii dhibaato keeni kara shacabka dhexdiisa. Waxa haboon is saxaafadu had iyo jeer ku shaqeyso dhex dhexaad. Waxa kale oo uu xasuusiyey madasha intii wasiirka uu ahaa khibradii uu kala kulmay dadka saxaafadda ku jira.

IMG_0185

Mustafa Cabdi Ciise (Mustafa Shiine) oo ah saxafi degan magaaladdan London oo isna kulanka daah-furka Salaanmedia kasoo qaybgalay ayaa ku dheeraaday guud ahaan saxaafadda oo uu ku micneeyey in ay tahay hawl aad u balaadhan oo u baahan sabir badan iyo xilkasnimo, waxa kale oo uu ku sheegay in mareego badan ay jiranaa lakiin loo bahan yahay in waxa la qorayaa inay noqdaan wax aad shacabka ku keenayn dhibaato tasoo sababi karta isku dhac iyo dhibaato ka timaadda,Waxa uuna talo usoo jeediyey guud ahaan mareegaha wax lagu soo qoro iyo gaar ahaan mareegtan cusub ee kusoo biirtay saxaafadda Soomaalida,waxaanu u rajeeyey inay gaadho guul.

IMG_0198 IMG_0207

Imaan Maxamed Ciise oo ah guddoomiyaha West London Community ayaa isna hadal kooban oo ku saabsan kulankan ah Daah-furka iyo cidii soo abaabushayba mahadnaq usoo jeediyey,waxa kale oo uu xusay in saxaafadu ah tahay lafdhabarka dadka warka algu gaadhsiiyo.lakiin ay haboon tahay in dhinaca wacan wax laga eego.

 

IMG_0229

Waxa kale oo hadalo kasoo jeediyey marti sharaf kale oo kulankan kasoo qaybgalay oo isugu jirey Haween iyo dhalinyaraba.Waxayna dhamaantood ka siinaayeen in saxaafadda loo isticmaalo xaga wanaagsan layskana ilaaliyo waxa dhibaatada ku keenaaya shacabka.

IMG_0202 IMG_0232 IMG_0236 IMG_0245 IMG_0241 IMG_0166 IMG_0132 IMG_0270  IMG_0271 IMG_0247

IMG_0127 IMG_0137 IMG_0256 IMG_0227 IMG_0258 IMG_0267 IMG_0272

 Fiiro gaara…Fadlan waad nosoo gudbin kartaan rayigiina iyo weliba wixii maqaalo iyo Videoba ah  oo shacabku ka faa’ideysan karaan,

Mahadsanidin.

Waxaan idiin soo gudbin donaa Video Insha Allah ku saabsan kulankan.

Xamse Axmed Salaan

London

xamse100@gmail.com

Â