Maxaa ka jira in aanu Madaxweyne Siilaanyo kasoo xaadirin Aaska Marxuum Colonel Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade)

 

Hargaysa(SM)Waxaa saaka Magaalada Hargeisa ku geeriyoodey sarkaalkii ugu Aqoonta, Xirfada iyo khibrada badnaa Ciidamada Milateriga Somaliland Ex.Colonel Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade) oo intaanu geeriyoon ka hor ahaa Taliyaha ciidamada Aaga bari ee Somaliland muddo dhawr iyo toban sano ah.

Dhancade ayaa la sheegay inuu muddo ku dhow Sadex Todobaad xanuunka uu u geeriyoodey saaka u jiifay Hargeysa balse aan Wasiirka Gaashaandhiga iyo Madaxtooyada uu xilka u hayey midkoodna ka soo ag-wareegin, wax xilana iska saarin xaaladiisa caafimaad iyo xanuunkaas uu la il-daraa,welibana ka gaws adaygeen inay u diraan Dhakhtar ama Cusbitaal debedeed

Dhancade ayaa ka mid ahaa hal-doorka Saraakiishii Milateriga Somaliya ugu caansanaa,islamarkaana ugu aqoonta iyo khibrada badna xagga arimaha ciidmada,gaadheyna derejada Taliye Gaas,hase yeeshee xukumadii Siyaad Barre  ayaa xabsiga dhigtay ka dib markii looga shakiyey inuu doonaayo inuu dalka ka baxo ama talaabo,waxaana lagu xukumay dil balse xagga alle ayaanu dilkaas ka suurtogelin.

Geesta kale Ex.Colonel Maxamed cabdi Adan (Dhancade ) oo ahaa sarkaalka ugu aqoonta iyo derejada sareeyay Ciidamada Milateriga somaliland dhawr bilood ka hor ayaa Madaxweyne Siilanyo si ulakaca ama badheeda ama  haybtiisa awgeed uga reebay derejooyin uu ku taxay 12 Sarkaal oo ka tirsan ciidamada Somaliland,derejooyinkaas oo kala ahaa Gaashanle Sare,Sareeye Guuto iyo Sareeye Gaas.

Ku darsoo Saraakiishaa Madaxweyne Siilanyo ku taxay derejooyinkaa saresare ayay ku jiraan qaar  aan weligoodba saraakiil noqon ama kulliyad ciidan gelin oo Isbatoorayaal ahaa, halka qaarkoodna saraakiil Hoose ahaayeen balse Marxuum Dhancade ayaa liiskaa derejo siinta Madaxweyne Siilanyo uga  reebay haybta beeshu ka soo jeedo darteed.

Tu kale Marxuum Maxamed Cabdi Aadan Dhancade oo maanta lagu aasey Xabaalaha Naasa-hablood Hargeysa  oo Dadweyne badan ,Taliyayaasha ciidan,wasiiro oo ka kala yimi Gobolada dalka sida Togdheer,Saaxil iyo Awdal ka soo qeyb galeen ayuu Madaxweyne Siilanyo aaskiisa ka maquurtay, inkastoo laba cisho ka hor uu isla xabaalahaas Naasa-hablood Madaxweyne Siilanyo kaga qeyb galay aas loo sameeyay Xilldhibaan Cumar San-weyne oo ka tirsanaa Golaha Guurtida oo Daad qaadey oo ay isku hayb iyo beel ka soo jeedaan

Xigasho Warka