“Meeshii danta Somaliland lagaga hadlayo ee maslaxadu noo tilmaantana waanu tagaynaa”

April 8th, 2013 

“Somaliland waxay doonaysaa in madax-banaanideeda dunidu ictiraafto oo ay ogolaato”

“Inaynu shirkan Tagno Danteena ayaa Ku Jirta”

 

Hargeysa (Salaanmedia)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti heer qaran ah oo uu Hoggaaminayay ayaa maanta socdaal ugu kicitimay dalka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan wada hadalo fool-ka fool ah oo ay la yeelan doonaan dawladda Soomaaliya oo ay marti-gelisay ama gogoshiisa dhigtay xukuumadda Turkigu.

Madaxweynaha Somaliland oo waxyar ka hor intii aanay u kicitimin Turkiga qolka nasashada ee madaarka Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa tafaasiil ka bixiyay socdaalkiisa, waxaanu yidhi “Waxaanu maanta u baxaynaa dalka Turkiga oo la noogu martiqaaday wada hadal u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, inaga siyaasadeenu waxay ahayd goor walba, mar kasta in meeshii danta Somaliland lagaga hadlayo ee danta iyo maslaxadu noo tilmaantana waanu tagaynaa. Way jireen wada-hadalo badan oo aynu ka qayb-galnay, meelo aynu ka gows qabsanayna way jiraan sababo ah inay inoo cuntami waayeen.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Markaa halkaasi ayaanu tagaynaa waxaana inoo furmaya wada hadaladii, madax badan oo raysal-baarlamaanku ka mid yahayna waanu ku tagaynaa iyo masuuliyiinta axsaabtu. Waxaanu rajaynaynaa inaanu halkaa wixii qadiyadeena ah gaadhsiino oo aanu dunida gaadhsiino, inaynu shirarkan tagnaana danteena ayaa ku jirta.”

cida qadiyadeeda iyo madax-banaanideeda inay dunida gaadhsiiso la doonayaana waa inaga, taana mar walba diyaar-baanu u nahay inaanynu qaran ahaan u dhamaano xisbiyada haddii aynu nahay iyo haddii aanu dawladda nahayba, markaa waxaanu rajeynaynaa inaanu guul kala soo noqono,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

Salaanmedia/Hargaysa