Nicolas Maduro oo guuleystay

Nicolas Maduro ayaa guuleystay

 15 Abriil, 2013, 04:40 GMT 07:40 SGA
Nicolas Maduro waxa uu ku guuleystay cod wax yar ka badan boqolkiiba konton

Guddiga doorashada Venezuela ayaa ku dhawaaqay in ninka shuuciga ah ee Nicolas Maduro uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada cod wax yar ka badan boqolkiiba konton.

Laakiin guusha looga badiyay musharraxa xisbiga mucaaradkahas won the presidential election with just over fifty percent of the Henrique Capriles waxa ay ka yarad boqolkiiba laba, oo ah wax aad uga yar tii uu helay Hugo Chavez ka hor intii aanu dhiman bishii hore.

Kadib markii lagu dhawaaqay, ayaa Mr Maduro oo labisnaa dhar midabada calanka Venezuelan waxa uu sheegay in guushiisu ay ahayd mid sharci ah oo caddaalad ah, isla markaana waxa uu ku baaqay degenaan.

Waxa uu balanqaaday inuu sii wadi doono siyaasadihii Madaxweynihii geeriyooday ee ka horreeyay Hugo Chavez.