Ogaysiis Daah-furka xafiiska Manchester,Liverpool,Leisceter ee Xisbiga Waddani UK, Halkani Ka Akhriso

wadani6

Waxa la ogeysiinayaa dhamaan jaaliyadda soomaaliland iyo taageerayaasha xisbi-qarameedka WADDANI inay nagala soo qayb-galaan xafladda daahfurka xafiisyada xisbiga Waddani ee magaalooyinka Manchester,Liverpool iyo Leiscester oo ka dhici doonta magaalada Manchester maalinta Axadda ee foodda inagu soo haysa ee bisha April tahay 21-ka.

Xafladda waxa marti inoogu ah guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.C/Raxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) iyo hawl-wadeenada xisbiga ee ku sugan UK.

Xafladdu waxay bilaabmaysaa 3.00pm,dhamaanaysaana 9.30pm. Fadlan ha la dhowro waqtiga idinkoo raali ah.
Goobta xafladdu waa:
Manchester academy
Moss Lane East
Moss side
M14 4PX
Manchester

NB- Martida ka imanaysa magaalooyinka fog fog sida Bristol,London,Milton Keynes,Leiscester,Birmingham,Sheffield iyo Liverpool waxaanu u diyaarinay qorshe nasasho gaaban,ciddii danaynaysa ee waqti hore imanaysa,inta aan xafladdu bilaabmin aanu u dalxiis geyno garoonka shadaadiinta cas waa OLD TRAFFORD STADIUM, waxaanu fursad idiin siin doonaa inaad sawiro kasoo qaadataan ama aad idinkuba isku soo sawirtaan kuraasta ay ku fariistaan ciyaartoyda sida Weyne Rooney,Ferdinand,Nani etc iyo weliba tababaraha Manchester United Sir.Ferguson. Waxa kale ood booqan kartaa garoonka ETIHAD STADIUM ee wiilasha buluugga ah ee aanu jaarka nahay(Our noisy neighbours) ee Manchester city.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriir:
Farhan————————————-07877908734
Ismail————————————–07888056897
Joowte————————————07868253708
Ahmed John—————————–07854484982
Mohamed Curyan———————07904390473
Saed Chanel—————————-07983953973
Khadra———————————-07947958750

Wabilaahi tawfiiq
Waad mahadsan tihiin
Farhan