Ogaysiis:-Telefishanka Caalamiga ah ee ESTV oo La Balaadhiyay Kuna Wareegaya Dhisme Cusub.

 

Ogaysiis:-Telefishanka Caalamiga ah ee ESTV oo La Balaadhiyay Kuna Wareegaya Dhisme Cusub.

Jigjiga(SM) Khamiis April 18,2013.Waxaa Macaamiisha sharafta leh ee ku taxan daalacashada Warlaliska Shaashada Telefishanka Caalamiga ah ee ESTV lagu wargalinayaa in la balaadhiyay Telefishanka ESTV loona dhisay Dhisme ka Blaadhan(Wayn)kan uu hada ku jiro maadaama ay qaybo badan oo ka mida barnaamijyada ka bixi doona Telefishanka lagu soo biiriyay.

Hadaba macaamiisha sharafeed ayaa lala socodsiinayaa in Guuritaanka iyo daadguraynta Agabka iyo Qalabka lagu wareejinayo(Rarayo) Dhismaha cusub in ay qaadato wax aan ka badnayn 48saac,iyadoona laga yaabo in uu hawada ka maqnaado telefishanku.

Sidaas darteed waxaad Macaamiishay raali ka ahaataan saacadaha kor ku xusan oo uu Telefishanka ESTV hawada ka maqnaan doono idinkoona Ku Calool-fayow in wax wayn laga badali doono barnaamijyada ka Baxa Telefishanka Caalamiga ah ee ESTV oo aad ka heli doontaan waxyaabo badan oo idin Xiiso galin doona oo ay ka mid yihiin Warar iyo barnaamijyaba.

Xigasho Cakaara