Olole Lagu Ururinayo Dhagaxda Wadooyinka Hareerahooda Lagu Tuulay Oo Laga Fuliyay Boorame

Olole Lagu Ururinayo Dhagaxda Wadooyinka Hareerahooda Lagu Tuulay Oo Laga Fuliyay Boorame

April 2nd, 2013 Comments Off

Boorame (SM)-Ololahan aya magaalada Boorama ka fulisay D/Hoose ee Boorama ayaa ah mid ka mid ah ololayaashii ugu faaiidada badnaa ee ay Dawlada Hoose qabato, waxana ay markan ku ruqaansadeen shaqaalaha D/Hoose wadooyinka gudaha magaalada Boorama qaar ka mid ah kuwaasi oo ay si qasab ah uga gureen dhagax aad u tiro badan oo hadaadi ah oo tuulnaa wadooyinka hareerahooda, kuwaasi oo ay marag madoon tahay in ay dhibaato ku ahaayeen bilicda iyo marista jidadka.

Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa waxa uu sheegay ujeedada hawlgalkan waxana uu yidhi “Waxa aan joogtayn doonaa ololahan ilaa inta aan bilicda magaalada soo saarayno, waxa jira dad khayrka jecel oo nala shaqaynaya, iyo qaar ka soo horjeeda hawsha aan hayno, waxana hubaal ah in dhagaxda aan maanta ka qaadno wadooyinka aan u isticmaali doono dan guud.

Maayar Ku Xigeenka Boorama Mud. Maxamed Faarax Dheerayste oo ka hadalay hawlgalkan ayaa xusay in ay tahay wax aan is qabanayn sida ay D/Hoose u go’aansatay in wadooyinka la baneeyo iyo sida ay u jiraan dad ka soo horjeeda waxana uu yidhi “ Waxa haboon oo aan codsanaynaa in lanala shaqeeyo, waxana aan dadka ku wacyogalinaynaa inay dhagaha u furaan ogaysiiska oo ay dhagaxdooda ka qaataan wadooyinka”.

Xoghayaha Dawlada Hoose Maxamed Cabdi Xaashi Xamari oo ka hadlay isaguna hawlgalkan ayaa waxa uu carabka ku dhuftay inay qasab tahay in wadooyinka la baneeyo isla markaana laga takhaluso wax uu ugu yeedhay dhagaxda uu muuqaalkoodu isku badalay xabaalaha ee wadooyinka hareerasiisa xidhay.

Qaar ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan wadooyinka uu hawlgalku ka dhacay ayaa waxa ay soo dhaweeyeen hawlgalkan oo ay xuseen inuu yahay mid bilicda soo saaraya, halka ay jireen qaar kale oo iyagu aaminsanaa in uu hawlgalkani yahay mid aan loo baahnayn isla markaana mida mudnaanta lahi ay ahayd in dawlada hoose ay wax ka qabato nadaafada iyo AYDA aadka u tarantay ee fayo dhawrka cadawga ku ah ee magaalada ka buuxda.

Si kastaba ha ahaatee waxa xusid mudan in meelaha qaar ay saraakiisha D/Hoose ee hawlgalka fulinaysay ay la kulmeen iska caabi ka imanayay qaar ka mid ah dadwaynaha diidanaa ololahan eek u tilmaamayay mid BILILIQO ah, balse markii dambe waxa gurmad halkaasi la soo gaadhay Ciidamada Booliska oo hawlgalka fududeeyay isla markaana suura galiyay in ay wadooyin badan bilicdoodu soo baxdo maanta, iyada oo lagu uruuriyay in ka badan 6 Baabuur oo dhagaxaan ah.