Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska oo Caawa kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland

Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska oo Caawa kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland

April 17th, 2013 Comments Off

Dulucda Qodobadii ay ka wada hadleen labada Hoggaamiye

David Camaron Oo Somaliland u soo Jeediyay In Shirka London Ahmiyad u leeyahay


London (SM)- Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska ayaa caawa xafiiskiisa Number 10 Downing Street ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaana labada Hoggaamiye kulankoodaasi ay diirada ku saareen sidii labada dal ay wada shaqayn dhow iyo wax-wada qabsigooda u sii adkayn lahaayeen.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa caawa fiidkii la kulmay Ra’iisal wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska David Cameron.


Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dal, wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo kulankaasi ku dheeraday sidii loo ilaalin lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta ay labadan dal mudada dheer soo wadeen iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta nabad-gelyada geeska afrika, horu-marka iyo dhaqaalaha.

David Cameron oo isna madaxweynaha uga mahad-naqay sida qiimaha leh ee ay Somaliland marwalba isaga xil-saarto adkaynta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labadan dal, ha noqoto dhanka ammaanka mandaqada geeska afrika iyo xidhiidhka caalamiga ahba.

Sidoo kale waxa uu ra’iisal wasaare David Camaron Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono ee Somaliland iyo Soomaaliya la doonayo in lagu wada hadashiiyo oo uu ku nuux-nuuxsaday ra’iisal wasaaruhu in ay Somaliland faa’iido weyni ugu jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay.

Kulankan waxa Madaxweynaha kulankan ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL. Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar, Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan Cawaale. Dhinaca Raisal Wasaarahana waxa ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Ingiriiska Mr. William Hague.”

Salaanmedia/Hargaysa