Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom oo Magaalada Burco Ku Soo Bandhigtay Adeegyo Cusub

Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom oo Magaalada Burco Ku Soo Bandhigtay Adeegyo Cusub

Insniin,1.4.13 (SM)Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ayaa maanta ku soo bandhigtay magaalada Burco adeegyo cusub oo casri ah oo dhanka isgaadhsiinta talafoonada .

 

Waxaana munaasibada lagu soo bandhigayay adeegyadanani ka soo qaybgalay masuuuliyiin sare oo ka socday shirkada telesom,ganacsatada gobolka togdheer qaarkood iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

 

Adeegyada ay maanta shirka Telesom ku soo bandhigtay magaalada Burco aya aiyagu dhamaa 4 kuwaasi oo kala ahaa sidatan:

 

1-Adeega Kayd: waa adeeg u suurta galinaya macaaiisha telesom xiliyada ay ka lumaan mobiladu inay waqtiga ay dib u furtaan nombaradooda ay heli donaan dhaaan nombaradii hore ugu diwaan gashanaa amaba ugu save garaysnaa.

 

2- Adeega Codka Fariimaha: Adeegani waa mid u sahlayaasha macaamiisha inay fariimo cod ah u dirikaraan asxaabtooda halka waqtigii hore ay dirijireen oo kaliya fariimo qoraal ah uun.

 

3-Adeega Land Land Missed Call:Adeegani ayaa isaguna ah mid u fududaynaya dadka isticmaalaya in halkii ay marka hore missed callka ka samaynjireen mobilada aya hada ka samayn karaan missed callska limankooda.

 

4-Adeega Avr ayaa isuguna ah mid u sahlaaya ganacsatada ama shirkadaha waaweyni inay ku samaystaan adeegsani xayaysiis meheradahooda ah..

 

Munaasibadii soo bandhigita adeegyadani ayaa waxaa faahfdaahin ka bixinayay oo halkaasi ka hadlay C/salan Ismaaciil oo ah madaxa waaxda horumarinta iyo ganacsiga ee gobolada dalka kaasi oo sheegay in shirkada Telesom ay marwalba ka go’antahay sidii ay bulshada Somaliland ugu soo gudbinlahaayeen adeegyada casiriga ah ee u danbeeyay kuwaasi oo ah kwo ay bulshadu baahi u qabto.

 

Ugu Danbayntiina Adeegyadan cusub ee ay soo bandhigtay Shirakada Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa iyagu qayb ka noqonaya horumarka tegnoolijiyada casriga ah

 

FAYSAL MAXAMED DAAHIR

SALAANMEDIA.COM/BURCO-OFFICE