Shirkadda Dahabshiil oo si Weyn uga Dhex Muuqatay Shirweyne la Xidhiidha Ganacsiga oo London ka Dhacay

 

London (SM) April 15, 2013 – Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa si wayn uga dhex muuqatay shirweyne la xidhiidha ganacsiga iyo horumarintiisa oo lagu qabtay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Shirweynahan oo ah sannadle uu qabto ururka la yidhaahdo SEF (The Somali Economic Forum) oo toddobaadkii hore ka dhacay huteelka Hilton ee magaalada London, kaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo taageeri lahaa ganacsiyada kala duwan iyo in xirfadlayaasha horumarka ballaadhan sameeyey soo bandhigaan fursadaha aqooneed iyo hannaanka isku-xidhka ee lagu maamulo ganacsi guul gaadha, ayaa shirkadda ka qaadatay doorka ugu wayn ee maalgelintiisa iyo tilmaanta ugu muhiimsan ee lagu bartilmaameedsado shirkad ganacsigeeda ka midho-dhalisa.

Shirweynaha oo lagu martiqaaday aqoonyahanno ku takhasusay dhinacyada Baananka, xisaabaadka, dhakhaatiir, qareenno, ganacsato, maalgeliyayaal iyo shakhsiyaad danaynaya inay bilaabaan ganacsi ama mid hore ay u lahaayeen horumariyaan iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin safiirka dawladda Koonfurta Suudaan u fadhiya waddanka Ingiriiska Mr. Akok M. Madut iyo masuulka dhinaca ganacsiga u qaabilsan safaaradda Kenya ee magaalada London Mr. Micheal S. Mandu, waxa saddex mowduuco loogu talogalay in laga faa’iidaysto ka jeediyey Wakiilka Shirkadda Dahabshiil Group ee Ingiriiska Mr. Cabdi Cabdillaahi,  Tifaftiraha idaacadda BBC-da ee Afrika Mary Harper oo ka hadashay astaamaha wanaagsan ee ka muuqda horurmarka dadka Soomaalida ah iyo Mr. Nouman Khalid oo ka socday bangiga caalamiga ah ee  Barclays.

Ugu horraynba, Agaasimaha Guud ee SEF Mr. Xassan M Dudde oo uu furitaaanka shirka hadallo kooban ka jeediyey, ayaa iftiimiyey ujeedada kulamka iyo sida uu ugu faraxsan yahay inay shirkado iyo aqoonyahanno ay ka mid tahay shirkadda Dahabshiil ka dhex muuqato. Waxa uu Agaasimuhu xusay in guulaha ay shirkadda Dahabshiil ka gaadhay caalamka maanta aan cidina qarin karin, wax sacab la saarona ay ka weynaatay, iyada oo ku mutaysatay adeegyadeeda, hufan baaxadda leh iyo waxtarka ay u hurto bulshada la macaamisha.

Wakiilka Shirkadda Dahabshiil Group ee xafiis-goboleedka UK Mr. Cabdi Cabdillaahi, ayaa hadalka uu shirweynahaasi ka jeediyey kaga warramay taariikhda shirkadda Dahabshiil soo martay ilaa waqtigii la aasaasay 1970-kii, adeegyada ay fuliyaan, taageerada kala duwan ee ay arrimaha bulshada kaga qaybgasho iyo weliba doorka mustaqbalka ay ka ciyaari karaan horumarinta gobolka dadka Af-soomaaliga ku hadlaa degaan.

Waxa kale oo uu si gaar ah u sharraxay xawilaadda lacagaha ee shirkaddu ka fuliso adduunka oo dhan iyo qaabka ay ula shaqeeyaan bangiyada iyo shuruucda caalamiga ah iyo weliba ilaalinta isu-socodka lacagaha sharciga ah oo Dahabshiil caalamka kaga mutaysatay aaminaad iyo adeeg hufan.

 

Masuuliyiinta iyo khubarada kala duwan oo shirweynaha ka hadlay ayaa dhammaantood isku raacay ammaan ballaadhan oo ay shirkadda Dahabshiil Group ku siiyeen hannaankeeda shaqo iyo horumarka ay samaysay, iyagoo si gaar ah u xusay nidaamka kala xawilaadaha lacagaha ee shirkaddu ka shaqayso.

Sidoo kale, qabanqaabiyayaasha shirweynaha iyo madaxda ururka SEF oo furitaankiisii ka hadallo ka jeediyey madasha ayaa majiirtay, kana mahadceliyey maalgelinta shirka ee shirkadda Dahabshiil oo ay ku tilmaameen inay ka qaadatay kaalin dahabi ah, iyada oo aqoonsiga waxtarka shirkadda iyo horumarka ganacsigeeda ee caalamku siinayo aanay ku kala baydhin aqoonyahanka, saxaafadda, ururrada iyo shakhsiyaadka ugu haldoorsan caalamka dhaqaalaha.

Golaha Dhaqaalaha Soomaalida ayaa loo aasaasay sidii uu isugu keeni lahaa haldoorka ganacsiga gobolka saamaynta ku leh sannadkiiba mar, isla markaana loogu martiqaadi lahaa aqoonyahanka iyo ganacsatada aan Soomaalida ahayn ee xiiseeya amuunraha dhaqaalaha iyo maalgeshigiisa.

Salaanmedia/Hargaysa